Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi iyo saraakiil ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha  ayaa magaalada Nairobi heshiis kula saxiixdey bangiga Hormarinta Afrika.

Heshiiskan ay wasaaraddu la gashay Bangiga hormarinta Afrika ayaa kusaabsan sidii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiint guud ahaan dalka oo dhan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Heshiiskan oo uu dhanka wasaaradda u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa  ku kacaya adduun dhan $139 Milyan  oo ah caawimaad uu bangiga hormarinta Afrika ku tala jiro in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga gaari lahayd dhanka isgaarsiinta.

Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta ee bangiga Hormarinta Afrika Mr. Nicholos Williams oo u saxiixay heshiiska dhanka Bangiga ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu bangigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ksoo kabanaya dhibaatooyinka.

Heshiiskan dhexmaray wasaaradda iyo Bangiga Hormarinta Afrika ayaa xoogga saari doona sidii ay wasaaraddu u heli lahayd qalab casri ah oo ay wasaaraddu ku maamusho kulana socoto Isgaarsiinta dalka, Kobcinta awoodda wasaradda, dhisitaanka hay’adda Isgaarsiinta iyo gaarsiinta adeegga Internet-ka dhamaan dawlad goboleedyada dalka.

Sanadka 2016 ayay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ku tala jirtaa iney ku talaabsato qorshe balaaran oo waxbadan kusoo kordhin doona Isgaarsiinta dalka iyadoo xeerkii Isgaarsiintuna horyaallo baarlamaanka laguna wado in la meelmariyo si ay wasaaraddu u gaarto himilooyinkeeda .

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo wadda dadaallo badan ayaa 13-ka Bishan December shir ugu yeertay dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta si ay ugu gudbiso qorshaha wasaaradda ee sanadka 2016.

Previous Post

Kulanka xildhibaandda Baarlamaanka ee Maanta oo looga hadlayo Miisaaniyada 2016

Next Post

Dhageyso Warka Subax e Raadiyo Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax e Raadiyo Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In