Maamulka Gobolka Shabeelahada Dhexe ayaaย soo gabagabeeyay dib u dayactir lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Jowhar, waxaana maamulku sheegay inuu dib u bilaabanayo duulimaadyadii diyaaradaha ee gobolka.
Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Daaโuud Xaaji Cirrow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo ku dhow toban sano uusan shaqeyn garoonkii diyaaradaha ee Jowhar, isla markaana ay iminka ku guuleysteen in ay dib u dayactir ku sameeyeen garoonka.
โGaroonka aad ayuu u baaxad weynyahay oo 3km ah, runtii dib u dayactir ayaan ku sameynay, marka wixii hadda ka dambeeya garoonka waxa ku soo dagi kara diyaaradaha, waxaana diyaar u nahay in aan dib u howlgelino garoonkaโ ayuu yiri afhayeenka.
Afhayeenka ayaa xusay masโuuliyiin ka socda shirkadaha duulimaadka ay tegeen garoonka diyaardaha ee magaalada Jowhar, si ay u soo qiimeeyaan in garoonka ay ku soo degi karaan diyaaradaha, waxaana uu intaa ku daray in masโuuliyiintii shirkadaha ay ku qanceen sida dib u habeynta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.