Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday shaqaalaha canshuuraha barriga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 19, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday shaqaalaha canshuuraha barriga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday laba todobaad Ciidamadda Ilaalada Canshuuraha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha barriga.

Aqoon is weydaarsigaan  ayaa u jeedkiisu ahaa in lagu barto isla shaqynta ka dhaxaysa qaybaha kala down ee ku howlan aruurinta canshuuraha , taas oo laf dhabar u ah kor qaadida dakhliga dalka,.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Ugu horayntii Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gen. Cabdullahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isla shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaadda.

“Waxaa sharaf noo ah in maanta na horfadhiyaan Taliyaha Ciidanka Boolika Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Maaliyadda, waana arin nagu cusub in maanta aan u fadhino mudo badan oo dalku ku jiray bur bur sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Cidanka Ilaalada Canshuuraha (Turuba-Taariyo). Waa inaad si wada jir ah u ilaalisaan hantida dadweynaha, waxaana ogaataan dalka waxaa horay u dhisay canshuur, hadana waa in aan soo noolaynaa kaabyaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri General Bariise

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genereal Maxamed Sheikh Xaamud ayaa sheegay in ay maanta farxad u tahay ka soo qayb galka soo xirtaanka aqoon isweydaarsigaan madaama aan bari u dabaal dagayno 72 guuradii  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

“Maanta waxaan soo xaadiray mid ka mid ah wax qabadka ciidanka looga baahan yahay iney u qabtaan bulshadooda, meeshii aan shalay joognayna maanta ma joogno, dalka isbadalo badan oo dhan kasta ah ayaa ka socda, hadii aan canshuurta la soo aruurina suurta gal ma noqonayso in nabada aan sugno, ama dalkaan uu horumar ku talaabsado, duruufaha amni owgeed ciidanka waan isku badali jirnay, lakiin hada ciidanka ilaalada canshuraha waxaan u daynaynaa la shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda,” ayuu yiri Gen, Xaamud.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Farkeeti ayaa sheegay in aqoon kororsigaan uu yahay bilow, hada kadibna la joogtayn doono, madaama ay tahay waxa ugu  muhiimsan ee canshuurta lagu qaadi karo sharciga, waa in la barta sharciga canshuurta lagu qaado.

“Khamiistii la soo dhaafay waxaa golaha Wasiiradda la mariyey Tariifadii, waxaana loo gudbin doonaa golaha Barlamaanka si ay u sharciyeeyaan, Canshuurtu waa udub dhexaadka dakhliga dowladu ugu adeegto shacabkeeda, waxaana maanta sumcad daro noo ah in la yiraahdo mushaarkii ciidankaa la waayey. Hada wixii ka danbeeya wasaaradu waxay isugu  gaynaysaa dadaalkeeda sidii kor loogu qaadi aruurinta canshuuraha barriga, waxaana meesha ka saaraynaa nidaamkaan lacagta lagu qaadayo ee gacan dhiibka, waxaana ku guda jirnaa diyaarinta nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha bariga,

Ugu danbayntii Wasiir Fargeeti ayaa sheegy inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo Taliaha Ciidanka Booliska sida wanaagsan ee ula shaqeeyo Wasaaradda Maaliyada, wuxuu sidoo kale sheegay inuu u hamablyeeynayo Taliska Ciidnka Booliska Soomaaliyeed oo bari ay ku began tahay 72 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Booliska.

8cebffac-eed2-4b38-88c8-b960d4374014 9f9ea54e-0f16-4b8b-b302-39cfcc9f426d 43d36ddf-aafd-422d-9880-86aeda03eaf4 58e1900e-99bd-485e-bc5e-4690be4f510d 64f55ec1-ec55-4119-9390-fd4ccb79e370 566ce442-572d-4384-8c22-bc695bd2be77 d5644711-6a9b-4b0e-814e-7f431a8d086c dad0cf54-f766-4bdc-a43a-9f4f4801a6ff f7b89657-58c7-43f2-b6da-4f9e5bd1b200

Previous Post

Fursad shaqo oo ka banaan Wasaaradda Amniga gudaha

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In