Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Fedaraalka ee Xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda ee Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ayaa sheegay in guul iyo is afgarad uu ku soo gabagaboobay socdaalkii Madaxweynaha ee gobolkaasi,

Waxaanu shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladaasi ka hor inta uusan soo ambabixin uu wasiirku ku sheegay in kulamo kala duwan oo ay la yeesheen Odayaasha iyo waxgaraddka qabaa’ilada ku nool magaaladaasi ay isku afgarteen in la guda galo dhismaha maamulka loo samaynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

Kaas oo wada hadalkiisu ka furmi doono Magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada Dhexe, qaybihii bulshada ee ay la soo kulmeena lagu balamay in la isugu yimaado magaalada Jowhar si hawsha loo dadajiyo,

Waxaanu intaasi ku daray wasiir Odowaa, in la isla aqbalay Degreetadii uu ku soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in Caasimadda Maamulka la dhisi doono ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay noqoto Degmada Buulabarde ee gobolka hiiraan, shirkana Jowhar lagu qaban doono.

Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, ayaa dhanka kale sheegay in socdaalkii madaxweynaha ee B/weyne uu sidoo kale qayb ka ahaa xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay  maalma ka hor magaaladaasi B/weyne,

Waxaanu sheegay in lagu guulaystay xalinta dagaaladaasi, qaybihii dagaalamayna ay wada aqbaleen xalinta wixii dhacay iyo in aaney dib u soo laaban, iyadoo ugu dambayn wafdiga Madaxweynaha isla maanta gilinkii dambe ay dib ugu soo laabteen Caasimadda Muqdisho kadib socdaal qaatay laba Habeen iyo Sadax maalin oo ay ku sugnaayeen magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Previous Post

Danjire Jamaal oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH oo Lagu Qabtay Nairobi”Sawirro”

Next Post

Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Next Post
Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Hay'ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In