Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedada ay halkaa u tageen ay tahay u kuurgelinta xaaladaha gobolka iyo sidii wada tashi ula yeelan lahaayeen masโuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan eek u dhaqan gobolka Bakool.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan mudaniyasha Baarlamaanka oo gaaray gobolka oo la hyadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan masโuuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha,odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada iyo ay ugu xog-wareystaan xaaladaha guud ee gobolka sida amniga iyo xaalada baniโaadminimada.
Xildhibaan Afaraale ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOMย ay kala hadli doonaan sidii la isugu furi lahaa wadooyinka isku xira gobolada Baay iyo Bakool,waxaana uu sidoo kale tilmaamay in dadka gobolka Bakool wada dega aan u baahneyn in dhibaato laga dhex abuuro.
Safarka xildhibaanadan ay ku tageen gobolka Bakool ayaa imaanaya iyadoo ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ay isku dayayaan in ay furan wadooyinka ay goโdoomiyeen maleeshiyaadka alshabaab.