Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ah gaarsiisay xarunta Wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho.

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta Wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiindo, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo, carro iyo Jaay, iyadoo wakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaraddaasi Eng. Saalax Sheekh Cismaan, asigoo wasiirku ka warbixiyey halka
uu marayo dhismaha Wasaaradda oo socday maalmihii la soo dhafey.

Related posts

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025

Dr.  Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka  Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dalka Qamar Cali Cumar ayaa ka warbixisay kaalmada qalabka dhimaha ah ee ay Marwo Qamar ugu deeqday Wasaaradda howlaha guud, iyadoo xustay in kaalmadani qeyb ka tahay tabarucaadda lagu dhisayo xarunta Wasaaraddaasi.

Eng. Saalax Sh. Cismaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa uga mahadceliyey Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Soomaliya Qamar Cali Cumar sida ay hormuudka ugu noqotay gacan ka geysashada dib u dhiska xaruntii wasaradda howlaha guud, isagoo sheegay in qalabkani uu fududeeyey dhismihii Wasaradda oo agab la’aan u fadhiyey, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee kala joogta dalka iyo dibadda iney ka qeyb qataan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kal hore ku dhawaaqey in si wada jir ah looga qeyb qaato mashruuca dalkaaga dhiso, waxana looga fadhiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iney si waddaniyad leh uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo go’aamiyay in xiriirka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In