Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Masar u dhashay oo kulan la yeeshay wasiirka ganacsiga-Sawirro

caqiil by caqiil
January 8, 2016
in Wararka
0
Ganacsato Masar u dhashay oo kulan la yeeshay wasiirka ganacsiga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo dalkeena hooyo, uu ku jiro soo kabasho ayaa waxaa sii kordhaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo maalqabeenada caalamka ee doonaya in ay maalgashtaan ayaa maanta magaalada ee caasimada dalka waxaa soo gaaray xubno ka socda maalqabeenada dalka walaalaha aynu nahay ee Masar kuwaa oo doonaya in dalka ay ku sameystaan maalgashi ganaci.

Markii ay soo gaareen xubnahaasi  magaalada Muqdisho kaddib,waxa kulan gaar ah ay la qaateen Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa Shirkadda Egyptsom ee fareecada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo C/fitaax Xasan Afrax  iyo Mowliid Axmed Nuur.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Muwaadiniita Reer Masar ee soo gaary Muqdisho ayaa kala ahaa Dr Muxsin Maxjuub oo ah xoghayaha sanduuqa Dhaqaalaha ee Maalqabeenada Dowladda Masar,Madaxa isu taga Hantiilayaasha Masar, u qeybsamaha Shirkadda EgyptSom ee Masar Maxamuud Khandile, iyo Cabaas Juni oo isna ka socday mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee Masar.

Intaasi kaddib Dr Muxsin Maxjuub  xoghayaha sanduuqa Dhaqaalaha ee Maalqabeenada dowladda Masar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in muqdisho aya soo gaaraan si wanaagsan loogu soo dhaweeyay, waxaana ajanadaha imaanshiyahooda Soomaaliya uu ku sheegay fulinta mashaariicyo horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo maalgashi ay ku sameeyaan dalka taasi oo ay ku doonayaan wanaajinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo masar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaanshiyaha wafdigani ka socda Dalka Masar ayna ka rajeynayaan in iskaashi buuxda uu dhex maro oo xoojinaya ganaci mid horumarineed.

Xubnhani ka socda maalqabeenada Masar ayaa shirkad ay ku mideysanyihiin waxaa Pratner la ah Shirkadda Egypsom oo Soomaaliya ka howlgasha islamarkaana uu ugu sareeyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, waxaana labada shirakadood uu qorshuhu yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo dalka laga hiragliyo oo gacan ay ka geysanayaan maalqabeenada dalka Masar waxaana fulinta mashaariicdaasi ay sheegeen wafdiga maanta soo gaaray muqdisho in ay ku bixi doonto 7 bilyan oo wax badan ka tari doonta Soomaaliya.

vlcsnap-2016-01-08-14h03m54s172 vlcsnap-2016-01-08-14h04m48s197 vlcsnap-2016-01-08-14h05m09s151 vlcsnap-2016-01-08-14h05m57s126 vlcsnap-2016-01-08-14h06m17s70 vlcsnap-2016-01-08-14h06m32s213 vlcsnap-2016-01-08-14h06m57s214 vlcsnap-2016-01-08-14h07m05s41 vlcsnap-2016-01-08-14h07m19s180 vlcsnap-2016-01-08-14h07m23s219 vlcsnap-2016-01-08-14h07m41s142 vlcsnap-2016-01-08-14h08m08s155 vlcsnap-2016-01-08-14h08m21s33 vlcsnap-2016-01-08-14h08m37s188 vlcsnap-2016-01-08-14h08m43s250

Previous Post

 Macalimiin kubadda Koleyga oo tababar  loogu soo gebagabeeyay  Muqdisho-Sawiro

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo ka warbixiyay kulamadii Dhuusamareeb

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiye Jawaari oo ka warbixiyay kulamadii Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In