Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jowhar” Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Todobaadka Soosocda Furmaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Jowhar” Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Todobaadka Soosocda Furmaya

An aerial view of flooding in and around Jowhar town, Somalia, on November 12. Heavy rains in Somalia, coupled with recent disputes between clans, has resulted in over four thousand IDPs seeking shelter at an AMISOM military base near the town of Jowhar, with more arriving daily. AU UN IST Photo / Tobin Jones

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada jowhar, si ay qiimeyn ugu sameeyaan ammaanka Magaalada kahor, Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay kala matalayeen Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno matalayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha  iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo u jeedkooda uu yahay in ay Indha-Indheeyaan Xaaladda Guud ee Magaalada Jowghar.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe  oo soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gaaray Jowhar ayaa sheegay in Dadka Reer Shabeellaha Dhexe ay Diyaar u yihiin in maamul loo sameeyo.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya  Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Todobaadka Soo Aadan uu Furmi doono Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiwali Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda  ay sameeyeen Howlgallo lagu Adkeynayo Amniga Gobolka maadaama loo diyaar garoobayo  Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Todobaadka Soo Socda ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo Shirka maamul U sameynta Bulshada degta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si ay dadkaas u qaatan Nidaamka Federaalka.

 

 

Previous Post

Wasiir Odawaa” Aqoonyahannada Khartuum wax ka Barta Dalkooda ayaa Sugaya”

Next Post

Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Next Post
Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In