Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jowhar” Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Todobaadka Soosocda Furmaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jowhar” Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Todobaadka Soosocda Furmaya

An aerial view of flooding in and around Jowhar town, Somalia, on November 12. Heavy rains in Somalia, coupled with recent disputes between clans, has resulted in over four thousand IDPs seeking shelter at an AMISOM military base near the town of Jowhar, with more arriving daily. AU UN IST Photo / Tobin Jones

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada jowhar, si ay qiimeyn ugu sameeyaan ammaanka Magaalada kahor, Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay kala matalayeen Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno matalayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha  iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo u jeedkooda uu yahay in ay Indha-Indheeyaan Xaaladda Guud ee Magaalada Jowghar.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe  oo soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gaaray Jowhar ayaa sheegay in Dadka Reer Shabeellaha Dhexe ay Diyaar u yihiin in maamul loo sameeyo.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya  Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Todobaadka Soo Aadan uu Furmi doono Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiwali Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda  ay sameeyeen Howlgallo lagu Adkeynayo Amniga Gobolka maadaama loo diyaar garoobayo  Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Todobaadka Soo Socda ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo Shirka maamul U sameynta Bulshada degta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si ay dadkaas u qaatan Nidaamka Federaalka.

Previous Post

Wasiir Odawaa” Aqoonyahannada Khartuum wax ka Barta Dalkooda ayaa Sugaya”

Next Post

Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Next Post
Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Ardayda Jaamacadda SIU oo u soo gaba-gaboobay imtixaanka sanad waxbarasheedka (SAWIRO)

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In