Saturday, October 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegey Boosaaso+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegey Boosaaso+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Boosaaso ka qeybgaley furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, munaasabadda sannad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamul Goboleedka Puntland uu qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas iyo kulamo kale oo muhiim ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boosaaso kula kulmay madaxda Puntland, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada, salaadiinta iyo siyaasiyiinta oo ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa intaanu ka soo ambabixin Boosaaso kormeer ku tegay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika, halkaas oo uu kula hadley ardeyda, macallimiinta iyo madaxda jaamacadda.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

93ec6785-d88c-4674-9c31-5f7ebb97a08a 272f8b40-daf5-43ac-819f-ffed0b5354ce 78258127-28e4-449b-9a74-fc1d8f26830d c3f2be1c-bf0b-49db-8f1c-c78c1617b1dc

Previous Post

Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Next Post

Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan layeeshay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan layeeshay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan “SAWIRRO”

Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan layeeshay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Kigali-Rwanda):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Hague-Netherland):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo,...

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In