Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fanaan Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuun sanaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fanaan  Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuun sanaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas’uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay’adda wacyi gelinta Bulshada ee CCA ayaa maanta deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari oo dalka ku xanuunsanaya iyo sidoo kale Carruurtii ay ka tageen qaar ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyeed ee geeriyootay.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo ay wehliyaan fanaaniintan ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka Cabdi tahliil warsame oo ku Xanuunsanaya Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026

Agaasimaha Hobollada Qaranka Waabari Maxamed Xasan Barrow ayaa faah faahiyay fanaaniinta maanta deeqdan soo gaarsiiyay.

“Fanaaniinta Hodan Cabdiraxman Dheere, Axmed Rasta Idil Caddow Iidle Yare Xasan Cujeeri oo dibadda nooga yimid  ayaa deeqdaan soo gaarsiiyay” Ayuu yiri Barrow.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA Maxamed Cajiib Ibraahim Cali ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay caawiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed ee xanuunsan.

Hodan C/raxmaan Dheere oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee maanta fanaaniintan deeqda gaarsiiyay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay maanta la kulanto fanaaniin Soomaaliyeed oo wacyi Gelinta buslshada kaalin weyn kasoo qaatay.

Xamdi Cabdi tahliil oo ah gabar uu dhalay fanaanka cabdi tahliil warsame oo ka mid ah fanaaniinta maanta deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahad celisay fanaaniintan maanta deeqda soo gaarsiiyay.

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad naqay fanaaniintan sida ay usoo xasuusteen fanaaniinta dalka ku xanuunsanaya.

Wasiir Maareeye ayaa Dhinaca kale ugu baaqay madaxda sare ee Dalka in ay ka qeyb qaataan caawinta fanaaniinta Soomaaliyeed ee Dhibaateysan.

 

 

Previous Post

Radio Muqdisho oo Wareysatay Shaqsigii ugu horreeyay ee lagu cassuumay Khudbaddii Ugu Dambeysay ee Obama

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

January 14, 2026
0

Somalia’s Disaster Management Commissioner on Tuesday opened a high-level humanitarian meeting in Mogadishu, bringing together government institutions and international agencies...

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa soo jeediyay in boqolkiiba 50 (50%)...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In