Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Maxamed Cabdi Cali waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in kulanka ka dhacay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq uu ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda islamarkaana waxyaabihii laga wada hadlay la isku af gartay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC ayaa geesta kalena kulammo la leh Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Islaamka ee kulanka kasoo qeybgalay.

HD.Still011 HD.Still013

Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (2) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (5) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (6) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (8) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (9) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (10) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (11)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya

Next Post

Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo cambaareeyay weerarki Liido

Next Post
Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo cambaareeyay weerarki Liido

Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo cambaareeyay weerarki Liido

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka...

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In