Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
DEG DEG-Go’aan ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee doorashada 2016-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerrida ku timid Allaha u naxariistee Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Danjire C/laahi Saciid Cusmaan oo horey u ahaa safiirka dowladda Soomaaliya ee QM oo ku geeriyooday dalka Mareykanka waxaan Alle uga baryayaa in naxariistiisa jano uu siiyo, sidoo kalena carruurta, qoyska iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee marxuumka uu ka geeriyoodayna waxaan Alle uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka QM, Maantana waa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika’

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka QM, Maantana waa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika’

February 11, 2026
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

February 11, 2026

Danjire C/laahi Saciid Cismaan, wuxuu ka soo noqday dawladii Sooomaaliya 1966 ilaa 1976-dii garyaqaankii qaranka iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaalada, Allaha u naxariistee ka dib wuxuu noqday sanadkii 1976 Ergayga joogtada ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Geneva.

Ambassadorka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa ergaygii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobay ee ku u taal magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Marxuumku isaga oo matalaya Soomaaliya wuxuu u tartamay kuna guulaystay ku- xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika sanadkii 1991 -1996kii.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka tacsiyeeyay geerida danjire C/laahi Saciid

Next Post

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka QM, Maantana waa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika’

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka QM, Maantana waa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika’

February 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

February 11, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Dhuxulow, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u...

Dhismaha degaanka Safiirka  Soomaaliya ee Tanzania oo xarigga laga jaray

Dhismaha degaanka Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo xarigga laga jaray

February 11, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah...

Somalia Wins Historic Election to the African Union Peace and Security Council (2026-2028)

Soomaaliya oo loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In