Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la dar-daarmay Saraakiil lagu soo tababarey dalka Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la dar-daarmay Saraakiil lagu soo tababarey dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa la dar-daarmay saraakiil  iyo saraakiil  xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib, tababar ay ku soo qaateen dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Taliyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha tababarka dhamaysatay aqoontii la soo barey in ay uga faa’iideeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuna tilmaamay muhiimada ay qaranka u leedahay tababarkooda iyo ku soo biirista Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed.

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

“Maanta laga bilaabo hal qabiil ayaad tihiin kaas oo ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa la idin soo barey tababar heerkiisu sareeyo, ujeedkuna waa in aad dalkiina anfacdaan kuwa aan tababarkaas  fursad u helina bartaan wixii la idin soo barey” .

“Waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus oo qaran, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga”. Ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Aaden.

Wajiyada  Saraakiisha ayaa laga dheehan karay farxad iyo rey reyn, maadama ay fursad u heleen in dalka dibadiisa ay wax ku soo bartaan, iyagoona muujiyey inay kalsooni buuxda ku qabaan dawladda iyo shacabkooda.

DSC01564 DSC01570 DSC01608

Previous Post

Dowladda Japan oo taageero lacageed ugu yaboohday Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah(Sawirro

Next Post
Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah(Sawirro

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah(Sawirro

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In