Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug iyo Maalgashadayaal booqday Dakada Hobyo”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug iyo Maalgashadayaal booqday Dakada Hobyo”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalintii 3-aad ayaa wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed waxa ay ku suganyihiin magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan kulamo maamulka bulshada kula tashanayo si loo dhiso maamulkii degmada Hobyo.

Wafdiga madaxwaynaha Maamulka Galmudug oo ay qayb ka yihiin wasiirada maamulka, Xildhibaano, ganasato iyo mas’uuliyiin kale ayaa  intii aysan soo gaarin degmada Hobyo waxa ay soo mareen deeganada Baxdo, qaydaro, Bacaadwayn, Camaara, Wizil iyo Gawaan, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Bulshada ku nool tuulooyinka iyo deegaanda ay wafdigu soo mareen ayaa waxa ay qabaan cabasho balaaran oo dhinaca adeegyada bulshada ka haysata.

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisu uu yahay mid curdan ah, balse ay dareensan yihiin baahiyaha jira, kuwaas oo wax ka qabasho u baahan.

Dhinaca kale degmada Hobyo ayaa laga fulinayaa mashaariic ilaha dhaqaalaha sara loogu qaadayo, kuwaas oo ay ka midyihiin dhismaha dekadda Hobyo iyo hormarinta Garoonka diyaardaha magaalada.

Maalgashadayaal ka socda wadanka Ciraaq ayaa kormeeray qaabka loo suragalin karo dhismaha Dekadda,  kulamana la qaatay madaxda Galmudug, sido kalena ganacsato rugta ganacsiga Galmudug iyo tan Soomaaliya ka socda ayaa ku sugan magaalada Hobyo, kuwaas oo qiimaynaya fursadaha la maalgashan karo.

DSC00410 DSC00412 DSC00428 DSC00453 DSC00459 DSC00465 DSC00468 DSC00469 DSC00472 DSC00481 DSC00522 DSC00537 DSC00553 DSC00560 DSC00565 DSC00575 DSC00584 DSC00585 DSC00598 DSC00604

 

Previous Post

Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Tunisiya oo derbi ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Liibiya

Next Post
Dowladda Tunisiya oo derbi ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Liibiya

Dowladda Tunisiya oo derbi ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Liibiya

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In