Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 9, 2016
in Barnaamijyada, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan lagu xusayay 5-sano guuradii ka soo wareegatay maanta oo kale  markii la aas aasay Idaacadda Kulmiye oo kamid ah idaacadaha madaxabanaan ee ku yaala Magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska,Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo katirsan Baarlamanka Federaalka ah,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Agaasimaha Tv-ga Qaranka,Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaaliyeed ee Sonna,Madaxda Ururka Haweenka Qaranka Wariyaal iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo ugu horeyn Xafladda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay ujeedka loo aas aasay Idaacadda Kulmiye oo uu sheegay in uu ahaa ka shaqeynta  iyo gudbinta wararka Xaqiiqada ku saleysan.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaaliyeed ee Sonna Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hambalyada uu u diray Shaqaalaha Radio Kulmiye kaddib ku dhiirigaliyay Wariyaasha Somaaliyeed inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo midnimadda Umadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa mar uu ka hadlayay Xafladda 5-sana Guurada Radio kulmiye waxa uu sheegay in Idaacaddaasi ay ka shaqeyso wadinayadda uuna ku amaanayo arintaasi.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo katirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha iyo Maamaulka Idaacadda kulmiye isagoona bogaadiyay shaqada idaacadaasi.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa dhankiisa sheegay in Idaacadda kulmiye uu ku amaanayo Wacyigalinta ay u sameyso Bulshada Somaaliyeed.

Gabagabadii Xafladda ayaa shahaado  Sharaf ay bixineysay Radio kulmiye halkaasi lagu guddoonsiiyay,Xldhibaan Cbadi Shire Jmaac,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Qoraaga Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax Wariye Cabdicasiis Africa,iyo Wariye Cabdifitaax Jeyte oo katirsan Warbahainta Qaranka iyo Wariyaal katirsan Radio kulmiye kuwaas oo dhamaan shahaadooyinka lagu siiyay waxqabadkooda.

00001 0001 001 1 002 02 2 00003 03 3 0004 004 4 00005 05 5 00006 0006 006 6 0007 007 7 0008 8 00009 0009 009 010 11 12 19 22 24 26 29 33 34 39 41 45 46 47 48 51

Previous Post

M.weynaha Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka “Sawirro”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Teyeynta Shaqaalaha Dowladda Iyo Bixinta Mishaaraadka “Sawirro”

Next Post
Kulan Looga Hadlay Teyeynta Shaqaalaha Dowladda Iyo Bixinta Mishaaraadka “Sawirro”

Kulan Looga Hadlay Teyeynta Shaqaalaha Dowladda Iyo Bixinta Mishaaraadka “Sawirro”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka...

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In