Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

R/Wasaare Sharmaarke “Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya Xiriir soo jireen ah”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 11, 2016
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
R/Wasaare Sharmaarke “Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya Xiriir soo jireen ah”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Ra’isul Wasaarihii hore ee Ciraaq hadana ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Mudane Iyaad Calaawi iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayaa uga mahadceliyey Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo Xiriir soo jireen ah, isla markaana ay is dhaafsan doonaan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada.

Related posts

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

“Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay idin ku soo dhaweynayaan Caasimadda Muqdisho. Waxaan rajeynayaa maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye in Soomaaliya iyo Ciraaq uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, inagoo iska kaashan doona sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen wax walba oo faaiido u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyaad Calaawi, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Waxana uu sheegay in dalkiisu Soomaaliya gacan siin doono sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd ugana guuleysan lahayd Argagixisada.

2

4

5

6

7

8

Previous Post

R. Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha “Sawirro”

Next Post

Wasiir Diini “Hambalyo Sanad-guurada 51-aad ee Aas-aaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Next Post
Wasiir Diini “Hambalyo Sanad-guurada 51-aad ee Aas-aaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Wasiir Diini “Hambalyo Sanad-guurada 51-aad ee Aas-aaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In