Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa la kulmay Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa la kulmay Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025

Muqdisho, February 10, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Maxamed Cali “ Kediye”, ayaa gelinkii dambe la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban Madaxa Isutaga Wadamada Arabta ee Afrika ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Isutaga Wadamada Arabta, waxana ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga labada dhinac ka dhexeeya.

“Kulankeenna wuxuu qayb ka ahaa wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadkan 2016 iyo doorkooda ku aadan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen” ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

—-DHAMMAAD—-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii si wadajir ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In