Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa ku soo idlaaday tababar Bangiga adduunku u qabtay Shaqaalaha mashruuca tayaynta shaqalaha Maamulka Puntland ee Xafiiska Madexweynaha iyo Guddiga sare ee Hay’ada Shaqallaha Rayidka ah ee Maamulkaasi.
Tababarkani oo loogu magac daray One-on One Orientation and Training Workshop ayaa wuxuu mudo hal asbuuc ah ka socday xarunta Bangiga aduunka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana si wada jir ah u bixinayay Khuburo ka socotay Bangiga Aduunka.
Tababarka ayaa ku saabsanaa sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta ee uu Bangiga Aduunku maalgeliyo Puntland.
Mudadii uu tababarku socday ayaa shaqaslaha mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta iyo guddiga Hay’adda shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen wixii u qabsoomay saddexdii bilood oo la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha saddexda bilood ee soo socota.
Agasimaha Guud ee Madextooyada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Guddoomiyaha Shaqaalaha rayidka ah ayaa Bangiga Aduunka siiyay warbixin dheer oo ku saabsan sida Puntland ay ugu heelan tahay in uu mashruucani miro dhalo Maamulkana uga faa’iidaynayso shaqaalaheeda.
Mashruucani ayaa soconaya muddo shan sano, waxana uu ka mid yahay balanqaadyadii uu Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u balan qaaday shabackiisa.
Wafuuda tababarku u socdey ayaa waxa hoggaminayey Agaasimaha Guud ee Madextooyada Puntland Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf.
Bangiga aduunka ayaa ku aamanay Dowladda Puntland sida habsami u socodka leh ee uu mashruucu u socdo iyo guulihii la gaaray sadexdii bilood ee la soo dhaafay, waxana ay sheegeen in mashruucani mirro dhalidoono.
Ugu danbayntii, tababarka ayaa ku soo idlaaday jawi deggan, waxaana ay wufuudu sheegeen in uu ahaa tababar ay wax badan ka faa’iideen, taas oo u fududayn-doonta in ay u gutaan shaqadooda si habsami leh.
—DHAMMAAD—