Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Kusoo Xeray Shir Uga Socday Golayaasha Sharci Dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Kusoo Xeray Shir Uga Socday Golayaasha Sharci Dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Muqdsho kusoo xeray shir uga socday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho -Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya intii u dhaxeysay 17-20 February 2016.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda shirka lagu soo xeray ayaa tilmaamay in qorshaha ay golayaasha sharci dejinta isla ogolaadeen ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka marka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaannada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekh Unaa oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad la xiriira mabaadii’da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha sharci dejinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii ugu horeeyey ee Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya uu ku dhammaaday guul waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlamaannada oo wadajira ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad ah.

IMG_1993 IMG_2007 IMG_2013 IMG_2022 IMG_2023 IMG_2030 IMG_2031 IMG_2049

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Hey’adda socdaalka oo dib uga laabatay amarkii ahaa in la joojin doono duullimaadyada Hargeysa+War-saxaafadeed

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Mqudi

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Mqudi

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In