Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ansixiyey siyaasadda guddiga ammaanka iyo difaaca xeebaha dalka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, waxana ay sheegeen in Ciidamadda Qaranka howlgallo ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Madahadaay, oo ay kamid yihiin, Ceel-baraf iyo Caadley ee gobolka shabeelaha dhexe oo horey halkaas ugu sugnaayeen Kooxaha Nabaddiidka ah ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026

Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo Ciidanka Amnigu ay ka sameeyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo lagu fashiliyey falal amini darro oo ay maleegayeen kooxaha Argagixisadu.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo uu soo gudbiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub.

Previous Post

Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay

Next Post

Ku simha duqa Muqdisho oo sheegay in ay adkeyn doonaan amniga Muqdisho

Next Post
Ku simha duqa Muqdisho oo sheegay in ay adkeyn doonaan amniga Muqdisho

Ku simha duqa Muqdisho oo sheegay in ay adkeyn doonaan amniga Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026
0

Wasiika Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In