Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda dowladda oo ka hadashay weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda dowladda oo ka hadashay weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda dowladda ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay weeraradii iyo qaraxyadii ismaadaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay agagaarka beerta nabadda iyo hotel SYL ee ku yaala degamda Xamar weyne ee gobolka Banadir.

Wasiirka Warfaafinta, Hidaha Iyo Dhaqanka Xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo shir jaraa’id ku qabtay goobta ay ka dheceen weerarada iyo qaraxyadii fashilmay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabad sugidda qaranka ay ka hortageen dhagartii ay kooxaha nabad diidka Al-shabaab ku doonayeen in ay ku gumaadaan shacabkii ku sugnaa hotel SYL iyo beerta nabada, waxa uuna wasiirka cod dheer ku sheegay in qaraxyada iyo weerarada Al-shabaab aysan marnaba waxba ka badali doonid horumarka hana qaaday ee ka hirgalay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Related posts

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed oo isana ka hadlay saameynta qaraxa ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo xaddigiisa (awoodiisa) lagu qiyaasay 200kg, hasayeeshee ilaah uu ka bad baadiyay shacabka Soomaaliyeed eek u sugnaa goobta uu ka dhacay, waxa uuna ciidamada ammaanka ku boogaadiyay sida geesinimada leh ee ay u fashiliyeen dhagarta Al-shabaab ee salka ku heyso gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Previous Post

Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?

Next Post

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in shacabku ay la shaqeeyaan laamaha amniga

Next Post
Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in shacabku ay la shaqeeyaan laamaha amniga

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in shacabku ay la shaqeeyaan laamaha amniga

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
0

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka...

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In