Iyadoo todobaadkii hore weerar loo geystay masjidka Umutul Islaam iyo dugsi lagu barto qur’aanka kariimka ee ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkani Mareykanka ayaa waxaa bilowday kulamo looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa sugida ammaanka iyo ka hortaga dhibaatooyinka kooxaha burcadda ah ay geysanayaan..
Kulanka ayaa waxaa wada yeeshey gudoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton iyo ku xigeenkiisa,mas’uuliyiinta masjidka iyo dugsiga weerarka loo geystay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkani.
Gudoomiyaha gobolka Minnesota ayaa sheegey in ay aad ugu xunyihiin weerarkii loo geystay masjidka Umutul Islaam iyo dugsiga lagu barto culuumta qur’aanka halkaasi oo burbur uu ka soo gaaray dhismayaasha asi.
Mark Dayton guddoomiyaha gobolkani ayaa sheegeen in arintaasi aysan la xariirin islaam nacayb islamarkaana laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa danbiilahaasi.
Kulanka ka dib ayaa mas’uuliyiinta gobolka Minnesota waxay booqdeen goobihii la burbriyey ayagoo dhiirogelin u sameyeey ardayda dhigata dugsigaasi qur’aanka kariimka lagu barto iyo maamulka masjidka.
Bulshada Soomaaliyeed iyo muslimiinta kale ee ku nool gobolkani ayaa aad uga xumaaday dhacdadani inkastoo mas’uuliyiinta gobolku ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin arintani waxaana laga dhursugaya talaabada ay qaadayaan hay’adaha amaanka gobolkani.