Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo deeq lacag ah gaarsiisay dhaawacyo laga keenay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo deeq lacag ah gaarsiisay dhaawacyo laga keenay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta booqatay isbitaalka Ordegan ee Ex-digfeer, halkaasi oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku soo waxyeeloobay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ay gaarsiisay deeq lacageed.

Marwada Madaxweynaha dalka ayaa markii ay gaartay isbitaalka waxa ay mid mid u booqatay qolalka ay ku jiraan dhaawacyada, iyadoo warbixinno ka dhageysatay howlwadeenada caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehelada isbitaalka ku sugan, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Xildhibaan Xabiibo Deyroow oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marwada Madaxweynaha dalka uga mahadcelisay booqashada ay ku tegtay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegtay in booqashadeedu uu la xiriio sidii ay xanuunka ula qeybsan lahayd ehelada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxaana ay Alle uga bariday in uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Booqashada Marwada Madaxweynaha dalka ay ku tegtay isbitaalka digfeer ayaa ah mid ay ugu kuurgaleysay xaaladaha ay ku suganyihiin dhawaacyadii dhawan laga keenay magalaa Baydhabo, taasi o muujineysa sida ay xanuunka ula qeybsaneyso bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg “SAWIRRO”

Next Post

Qunsul Cali Begadi oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay inay sharci daro ku soo galeen Kenya

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In