Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo deeq lacag ah gaarsiisay dhaawacyo laga keenay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo deeq lacag ah gaarsiisay dhaawacyo laga keenay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta booqatay isbitaalka Ordegan ee Ex-digfeer, halkaasi oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku soo waxyeeloobay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ay gaarsiisay deeq lacageed.

Marwada Madaxweynaha dalka ayaa markii ay gaartay isbitaalka waxa ay mid mid u booqatay qolalka ay ku jiraan dhaawacyada, iyadoo warbixinno ka dhageysatay howlwadeenada caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehelada isbitaalka ku sugan, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Xildhibaan Xabiibo Deyroow oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marwada Madaxweynaha dalka uga mahadcelisay booqashada ay ku tegtay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegtay in booqashadeedu uu la xiriio sidii ay xanuunka ula qeybsan lahayd ehelada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxaana ay Alle uga bariday in uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Booqashada Marwada Madaxweynaha dalka ay ku tegtay isbitaalka digfeer ayaa ah mid ay ugu kuurgaleysay xaaladaha ay ku suganyihiin dhawaacyadii dhawan laga keenay magalaa Baydhabo, taasi o muujineysa sida ay xanuunka ula qeybsaneyso bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg “SAWIRRO”

Next Post

Qunsul Cali Begadi oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay inay sharci daro ku soo galeen Kenya

Next Post
Qunsul Cali Begadi oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay inay sharci daro ku soo galeen Kenya

Qunsul Cali Begadi oo Booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay inay sharci daro ku soo galeen Kenya

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In