Monday, August 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulankii Baarlamaanka Ee Su’aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 3, 2016
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fiidnimada caawa waxaa si rasmi ah usoo gebageboobay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallo ku saabsan ammaanka dalka ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya qaarkood.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa daba socday kulan ay maalinnimadii shalay sidan oo kale Xildhibaannadu su’aallo weeydiin ugu soo bilaabeen waxaana maanta su’aallahooda dhiibtay in ka badan 20 Xildhibaan oo aan shalay su’aallo iyo fikir toona dhiiban amaba waqtigu ka dhacay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025

Jawaabaha su’aallaha waxaa Xildhibaannada siinayey Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirka amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed General C/raxmaan Tuuryare.

Sida la shaaciyey gebagebada shirka oo ay abaare 07:00 fiidnimo ee caawa waxaa laga filayaa Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in maalinnimada sabtida ah ee soo socota hadii uu Alle idmo ay ka shaaciyaan kulanka Baarlamaanka natiijada su’aallo weeydiintan labada cisho socotay ayadoo loo shaacin si qaraar Baarlamaani ah.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Next Post

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Next Post
Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

August 11, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

August 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In