Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan looga hadlayay isku xirka hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya Cadaalladda iyo arrimaha garsooka si loo horumariyo cadaallada dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaalladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

“Shirkan waxaa uu ku saabsanyahay iska war qabka iyo isxog wareysiga ka dhaxeeya hay’daha ka shaqeeya cadaalladda oo isugu jira Wasaaradda cadaalladda, xabsiyada iyo dhamaan sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa ku jira iyo hay’ado kale oo fara badan oo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn dhow oo la rabo mustaqbalka dhow in ay sii joogteeyaan wada shaqeyntooda marka muhiimadda waxa ay tahay in laga wadashaqeeyo horumarinta cadaalladda’’ ayuu yiri Xoghayaha joogta ah ee Wasaaradda.

Sidoo kale Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Cadaalladda iyo garsoorka oo ka hadlayay muhiimada shirkan loo qabtay ayaa yiri “Wada shaqeyn caafimaad qabta iyo iska war qab, wadankan waxaa ka jira qaab Federaal ah, waxaana loo baahnyahay in si Federaalka uu u horumaro hay’adaha cadaalladda la horumariyo, ayna wada shaqeeyaan, wuxuuna shirkan abuuri doonaa in hay’ad walba ay ogaato shaqadeeda iyo meesha ay ku egtahay, marka in wada shaqeyn dhab ah la yeesho ayaa ka mid ah waxyaabaha aan ka fileyno”.

Previous Post

Ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Awdheegle

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In