Kulankaan oo qeyb ka ah kulamo looga hadlayo qorsheeynta qaran ee dalka oo ay gar wadeen ka tahay wasaarada qorsheeynta iyo iskaashiga caalamka ee dowlada fadaraalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin kale wasiiru dowlaha wasaaradda qorsheynta ee dowlad goboleedka Galmudug Eng. C/raxmaan Maxamed Cismaan (Seyruuq) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada kulankan ay tahay sidii looga arinsan lahaa qorshaha qaran isla markaana bulshada fikirkeeda ugu biirin lahaayeen.
Gudoomiyaha gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan, oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in laga ma maarmaan ay tahay in meel layska dhigo qorshaha horumarineed dalka isla markaana ka maamul gobal ahaan ay aad u soo dhaweeynayaan ka hadalka qorshaha horumarineed dalka.
Kulamo noocaan oo kala ah ayaa horey loogu qabtay magaalooyinka Baydhabo , Kismaayo looga hadlayay qorshaha horumarineed ee dalka ayaa maalmihii u danbeeyay lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garoowe.
W/D: C/risaaq Maxamed Axmed wakiilka warbaahinta qaranka Gaalmudug