Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar loo qabtay kalluumeysatada degmada Hobyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 17, 2016
in Wararka
0
Tababar loo qabtay kalluumeysatada degmada Hobyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkaan oo ah mid sare loogu qaadayay xirfadda aqooneed ee kaluumeeysatada ka jilaabta xeebta dagmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa loo qabtay ilaa 40 ka tirsan kaluumeeysatada ka jilaabta xeebaha bariga gobalka Mudug.

Tababarkaan oo ay soo qaban qabiyeen ururuda Sosda iyo Daryeel ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka dagmada Hobyo ee gobalka Mudug aqoonyahanno ku xeeldheer arimaha  badaha iyo mas’uuliyiin  ka socatay ururada Sosda Iyo Daryeel

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

Furitaanka siminaarka waxaa ka hadlay Eng. Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) oo ka mid ahaa mas’uuliyiin ka socatay ururadii barnaamijka soo agaasimay ee Sosda iyo Daryeel wuxuuna ka warbixiyay ajnadaha siminaarka.

“Tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururada Sosda oo ah NGO wadaniya iyo ururka Daryeel oo ah NGO caalamiya ujeedka laga leeyahayna waa in sare loo qaadaa xirfada kaluumeeysatada Soomaaliyeed si ay uga faa”
iideeystaan wax soo saarka badahooda waxaa sidoo kale lay idinkaga faa”iideeyn doonaa sida aad u keydsan laheeydeen waxa aad kala soo baxdaan baddiina”  ayuu yiri Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri)
Maxamed Cali Guure Maamuun madaxa horumarinta mashaariicda maamu;lka dagmada Hobyo oo isna furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad usoo dhaweeynayaan in tababar ceynkaan oo kale
ah loo qabto kaluumeeysatada Soomaaliyeed ee ka jilaabata xeebta dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Siminaarkaan ayaa intii uu socday waxaa casharo ku aaddan qaabkii ay u tayeeyn lahaan waxsoo saar kooda iyo sida ugu haboon ee ay u keydsan lahaayeen usoo jeediyay kaluumeeysatadii siminaarka ka qeyb gashay aqoonyahano Soomaaliyyeed oo ku taqasusay qaabka kaluumeeysiga badaha.

Ma ahan markii u horeeysay oo ay ururada Sosda iyo Daryeel tababaro ceynkaan oo kale ah u qabtaan kaluumeeysatada ka jilaabta xeebaha bariga Gobalka Mudug ee Galmudug.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) 1 (9) 1 (10) 1 (11) 1 (12) 1 (13) 1 (14) 1 (15)

C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo1 (16) 1 (21) 1 (22) 1 (23) 1 (24) 1 (26)

Sawir-qaade C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Abaaraha ka jira Gobollada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Shirki dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Baydhabo+Sawirro

Next Post
Shirki dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Baydhabo+Sawirro

Shirki dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Baydhabo+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In