Munaasabad lagu xusayay 22 Maarso oo ku beegan maalinta Biyaha adduunka ayaa lagu qabtay maanta degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud
Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Biyaha iyo korontada ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha ku-xigeenka Maamulka degmada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Biyaha iyo Korontada.
Muxiyadiin Cabdi Geele oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda lagu xusayey maalinta biyaha iyo faa’iiudada ay biyuhu u leeyinhiin noolaha, isagoo tilmaamay inay xoogga saari doonaan arrintan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha iyo korontada Maxamed Muuse Axmed oo hadal ka soo jeeediyay munaasabad
Qaar kamid ah qaybaha bulshada ayaa dhankooda ka hadlay munaasabada maalinta biyaha
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa munaasabadda maalinta biyaha ku soo hadal qaaday carruur 18-kii bishaan ku geeriyooday Baraag ay biyo ka buuxeen kuwaasi oo saddex kamid ah ay ahaaeen walaalo hal qoys ka soo wada jeeda kadib markii barkad ay doonayeen inay biyo ka cabaan ay ku dhaceen
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada Mawliid Yaasiin Barre oo gabagabadii soo xiray munaasabadda ayaa ku baaqay in la xoojiyo sidii deegaanada ay biyo la’aanta ka jirta.
Sidoo kale munaasabad tan la mid ah ayaa lagu qabtay qaar ka mid ah gobollada dalka.
C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq