Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamij Loga Dodayay Hirgalinta Xeerka Saxaafada Soomaaliya Oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamij Loga Dodayay Hirgalinta Xeerka Saxaafada Soomaaliya Oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamij looga doodayay Hirgelinta xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo ay soo qaban qabisay Xarunta warbaahinta iyo wada hadalka ee (CMD) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska  Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaala,Xogahayaha guud ee xarunta CMD Cabdulahi Maxamed Xuseen Taajirow,gudoomiyaha ururka Suxufiyinta qurba joogta Somaliyeed ee SEJASS Saciid Xasan Anteeno iyo qaar kamid ah agaasimayaasha iyo Suxufiyiinta ku dhaqan dalkani kenya.

Bilowgii barnaamijka ayaa Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala waxa uu sharaxaad ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka cusub ee saxaafada Soomaliya iyo sida loogu baahanyahay in Suxufiyiinta Soomaliyeed ay uga qeyb qaataan Hirgelinta xeerkan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir ku xigeenka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa C/laahi Colaad Rooble iyo agaasimaha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-Cadaala ayaa waxa ay ka mid ahaayeen gudigii dib u eegista ku sameeyay xeerka saxaafada Soomaaliya.

“Xeerkani waxa uu xooga saarayaa sadax arrimood oo ay ka mid yihiin in suxufiga loo sameeyo shuruurc iyo astaan u gaar ah iyo sharci difaacayo qofka suxufi ah,hadii labada dhinac midkood uu xad gudbo halka loo noqonayo oo ah gudiga madaxa banaan ee la sameeynayo”Ayuu yiri agaasimaha wakaalada Wararka SONNA C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Barnaamikan dooda ahaa oo suxufiyiinta ku sugan Kenya loogu sharaxaya xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya  ayaa sidoo kale waxa ay wariyayaasha ka dhiibteen Aragtidooda, iyagoona su’aalo dhowr ah oo ku saabsan qodobada xeerka saxaafada weydiiyay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha SONNA,iyagoona si kooban jawaabo uga bixiyay su’aalihii ay weydiiyeen wariyaasha.

Wasiir ku xigeenka  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii hadalo dar daaran ah u jeediyay suxifiyiinta,waxa nauu balan qaaday in wasaarada ay kala shaqeynayso suxufiyiinta wixii suura gal ah oo ku aadan sidii wax looga badali lahaa qodobada ku qoran xeerka saxaafada.

“Aayad quran ah ma ahan xeerka oo aan waxba laga badali Karin,waxayna ku xirantahay mas’uuliyiinta howsha gacanta ku heyso,hadii  ay saxufiyiintu wax suurta gal ah sheegaan wasaarada waxay ka shaqeynaysaa sidii wax looga qaban lahaa”Ayuu yiri wasiirka ku xigeenka Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.

Xeerkan cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo heerar kala duwan soo maray,isla markaana bishii Janaayo ee sanadkan uu saxiixay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa  sidii loo hir galin lahaa ka dooday Suxufiyiiinta ku dhaqan Kenya.

IMG_5403 IMG_5424 IMG_5426 IMG_5428 IMG_5432 IMG_5433 IMG_5434 IMG_5436 IMG_5437 IMG_5440 IMG_5443 IMG_5445 IMG_5449 IMG_5450 IMG_5454 IMG_5455 IMG_5457 IMG_5462 IMG_5479 IMG_5483 IMG_5496 IMG_5499 IMG_5501 IMG_5502 IMG_5527 IMG_5530 IMG_5537

Sawir qaade:- Cabdulqadir Cali Xuseen Koronto

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Baay oo ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha danta guud

Next Post

Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Next Post
Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In