Shir looga hadlayo Qorshaha Qaranka ayaa maanta ka furmidoona Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolldeedka Galmudug, Ururrada bulshada Rayidka iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Qodobada Ugu Waaweyn ee shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah Qorsheynta Adeegyada Aas Aasiga ah Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Dhaqaalaha Dhismaha Waddooyinka iyo Arrimo kale sida Uu sheegay Aqoon Yahan Cilmi Nuurre oo ka mid ah Xubnaha ka qeyb galaya.
Muddooyinkii Dambe Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay wadday kulamo wadatashi ah oo looga hadlayay Qorsheynta Aayaha Qaran taas oo saldhig u ah Hore u socodka Hanaanka Dowladnimo.