Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada Shabaab oo lagu qabtay Gaalkacyo”Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada Shabaab oo lagu qabtay Gaalkacyo”Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan looga hadlayay sidii laysaga kaashan lahaa ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada al shabaab ayaa
maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug oo uu horkacayay madaxweynaha Galmudug .

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo
maamulka gobalka ay ka go’an tahay in ay iska kaashadaan amaanka gobalka iyo la dagaalanka argagixisada Al shabaab .

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

“Mudane madaxweyne hadaan nahay shacabka iyo maamulka gobalka Mudug waxaan mar kasta diyaar u nahay in aan ka wada shaqeeyno adkeeynta amaanka sidoo kalana aan dhinac uga soo wada jeesano cid kasta oo khatar ku ah amaanka Gobalka ” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa intii u socday waxaa ka hadlay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka   Galmudug kuwaasi oo sheegay in loo baahan yahay in ciidamada laga tageero wax kasta oo ay u baahan yihiin ilaa iyo inta deeganada Galmudug laga xoreeynayo meelaha yare e ay uga sugan yihiin kooxda arxan laawayaashaa ee Al shabaab.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo ay ka go’antahay ineey xididada u siibaan haraadiga maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaaleeysanaya deegaanada Galmudug isagoo dhanka kalana ugu baaqay shacabka Galmudug in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ayna kusoo wargaliyaan cid kasta
oo ay ku tuhmaan in uu xiriir la leeyahay maleeshiyaadka Al shabaab

“Sida aad la socataan waxaa haatan socda howlgalo lagaga hortagayo argagixisada  Al shabaab marka waxaan ugu horeeyn idinkaga mahad celinayaa bulshada Mudug sida aad markasta ula shaqeeysaan maamulka isla markaana aad uga gacan siisaan ciidamada sugida amaanka maanta waxaa laydinka rabaa inaad sii laba laabtaan dadaalkiina”  ayuu yiri
madaxweyne Guuleed

Kulanka maanta ayaa ku soo aadayaa iyadoo deegaano ku yaala dhinaca bariga Gobalka Mudug dagaalo ay  ku dhaxmareen Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al shabaab oo mudooyinkaanba ku dhuumaaleeysanayay meelo ka mida deegaanada Puntland iyo Galmudug.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/03/QUDBADII-MADAXWEYNAHA-GALMUDUG-UU-KA-JEEDIYAY-KULAN-MAANTA-KA-DHACY-GALKACYO.mp3

1 (1) 1 (3) 1 (5) 1 (10) 1 (13)

Sawir Qaade C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”

Next Post
Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”

Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay "Sawiro"

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In