Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘Ajandaha dowladda ay ka leedahay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan labada gobol” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘Ajandaha dowladda ay ka leedahay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan labada gobol” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Muqdisho, 25 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka jeediyay magaalada Beled Weyne oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay gaareen.

“Waa muhiim in maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin sida amniga , kala dambeynta , waxbarashada , caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka’’.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil oo looga fadhiyo inay la jaanqaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa raaciyay in meel fiican ay marayaan dadaalada la isugu soo dhoweynayo dhammaan beelaha wada dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ajendaha keliya ee dowladda ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labada gobol. Waad la socotaan in maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan cadowga nabada diiddan ee Al Shabaab. Guulo ayayna ka soo hoyeen. Waxaa hubaal ah in haddii degaannadaas aanay maamul yeelan lahayn ay ku adkaan lahayd inay Al Shabaab iska difaacaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Kulankii ugu horreeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Arrimaha GudBatraha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan , xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Kulamo Beledweyne Kula Leh Qeybaha Kale Duwan Ee Bulshada “Sawirro”

Next Post

Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Next Post
Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In