Kullan ballaaran oo ku saabsanaa sidii looga hor tagi lahaa falalka jinsi naceybka ah oo ku soo badanaya dalka Mareykanka xilli loo diyaar garoobayo doorasho dalka ka dhacda ayna ka qeyb galeen laamaha ammaanka, xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota, qaar kamida Imaamyada masaajidda iyo sidoo kale dadka iyagu u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay xarunta badbaadada dadweynaha ee degmada Hennepin ee gobolka Minnesota.
Andrew Luger oo ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota oo kullanka daah furay ayaa sheegay in laama ammaanka gobolka looga baahan yahay labo mas’uuliyadood oo aad muhiim u ah, isla markaana aad u dhib badan, isagoo cadeeyay in Laamaha ammaanka gobolka looga baahan yahay ilaalinta ammaanka guud ee dadka ku nool Minnesota iyo sidoo kale in bulshooyinka ku nool gobolka laga ilaaliyo khatarta iyo dembiyada ku saleysan naceyb ka iyo faquuqa.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegey kulanka aan xoogga lagu saarin arrimaha siyaasadda iyo musharaxiinta, maadama lagu guda jiro wakhtigii doorashada, balse intiisa badan kulanka diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka, cabsida iyo welwelka bulshada Minnesota iyo sidoo kale wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga ee gobolka.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Richard Thornton oo ah u qeybsanaha Laanta FBI-da ee Gobolka Minnesota, kaasoo si qoto dheer uga hadlay sharciyada iyo qawaaniinta ku saabsan khatarta iyo dembiyada ku saleysan naceybka, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka fogaadaan arrimahaasi oo dhibaatooyin badan ay ka dhalan karto. .
Ugu dambeyntii qaar kamid ah Soomaalidii ka qeyb gashay kullanka ayaa soo dhaweeyay waxyaabihii ka soo baxay kulankani, ayagoo sheegey in loo baahan yaha in bulshada muslimiinta ah ee ku nool gobolka Minnesota iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka gobolka, isla markaana ay wargeliyaan hadii ay la kulmaan hadallo ama facil ku saleysan naceyb ka dhan ah diintooda Islaamka ama jinsiyadooda.
Liban Hussein