Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Puntland oo sagootiyey waftigii uu hoggaaminayay Dr. Tedros Adhanom+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Puntland oo sagootiyey waftigii uu hoggaaminayay Dr. Tedros Adhanom+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04-Apr-2016 ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka magaalada Garoowe Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ahna Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee urur goboleedka IGAD  Dr. Tedros Adhanom iyo waftigii uu hoggaaminayey.

Dr. Tedros Adhanom ayaa Garoowe u yimi in uu qayb ka ahaado heshiikii dhexmaray Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu jaan goynayey qaabka loosoo xulayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii aan dalka dib loogu soo celiyeen hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiiskii xalay lagu kala saxiixday Garoowe uu ahaa mid taariikhi ah isla markaana dhabbaha loogu xaadhayey sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo waddanka kasaarta waxqaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dalka  ragaadiyey 16-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in  Dr. Tedros uu yahay dammaanad qaadaha heshiiskaasi, isla markaana beesha caalamka ee goobjooga ka ahayd heshiiska ay markhaatiyaal ka ahaayeen wixii ay ku heshiiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha Puntland ayaa wax aan suurta gal ahayn ku tilmaamay in dalka markale ay kadhici karto doorasho ku salaysan hannaanka  4.5 kaas oo xalay la jaan-gooyey in wixii kadambeeya 2016-ka aan wax lagu soo dooran doonin hanaankaasi.

“Marnaba suurta gal maaha in dalka dib loogu celiyo 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka, waxaana laga shaqayn doonaa qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku salaysan deegaan inta ka horraysa 2020-ka”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

IMG_4395 IMG_4398 IMG_4399 IMG_4411 IMG_4419 IMG_4436

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In