Kulankan Alle bariga ahaa oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubnoa ka socday maamulka Galmudug iyo sidoo kale qeybaha bulshada ayaa waxa uu ka dhacay magaalada muqdisho.
Ugu horeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay badiyaan Alle ka cabsiga si uu Alle SWT uga dulqaado dhibaatada.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Cayaar jecel oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid ah mudaniyaasha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhankooda shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana dhexdooda muujiyaan is jaceyl si uu Alle ugu gargaaro.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaaladda muqdisho ka dhacayay kulamo Alle bari ah si uu Alle dhibaatada ugu dul qaado Ummadda Soomaaliyeed.