Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan isku tanaasulnaa, kana shaqeynaa dhismaha Soomaaliya oo horumarsan’’ SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan isku tanaasulnaa, kana shaqeynaa dhismaha Soomaaliya oo horumarsan’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha, khudbad uu madasha ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee amniga qaranka, iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee qaranka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in barnaamijyada siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay noqdaan kuwo daah-furan, loo wada dhan yahay, isla markaana leh sharciyad iyo kalsoonida shacabka.

Mudane Sharma’arke ayaa intaa raaciyay in dhammaan hawlahani la qabanayo ay lagama maarmaan tahay in Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in shirka dib u eegista dastuurka uu ka dhaco magaalada Garowe, bisha May ee nagu soo aaddan.

Waxaa isna kulanka sharaxaad ku saabsan barnaamijka siyaasadda amniga qaranka ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirka waxaa iyana hadalo ka jeediyay, isla markaana muujiyey taageero ku aaddan geeddi socodka hannaanka siyaasadda ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Jubbaland (Axmed Maxamed Islaam), Galmudug (Cabdikariim Xuseen Guuleed), Koonfuur Galbeed (Shariif Xasan Sheekh Aadan), iyo iyo Puntland, (Cabdiweli Maxamed Gaas).

2 3 4 5 6 7 unnamed

Previous Post

Sanadguuradii 5-aad ee SNTV oo si weyn looga xusay London “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka caafimaadka oo qalab caafimaad ka guddoontay Ururka Soomaalida Finland

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool “SAWIRRO”

Wasiirka caafimaadka oo qalab caafimaad ka guddoontay Ururka Soomaalida Finland

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In