Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan isku tanaasulnaa, kana shaqeynaa dhismaha Soomaaliya oo horumarsan’’ SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan isku tanaasulnaa, kana shaqeynaa dhismaha Soomaaliya oo horumarsan’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha, khudbad uu madasha ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee amniga qaranka, iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee qaranka.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in barnaamijyada siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay noqdaan kuwo daah-furan, loo wada dhan yahay, isla markaana leh sharciyad iyo kalsoonida shacabka.

Mudane Sharma’arke ayaa intaa raaciyay in dhammaan hawlahani la qabanayo ay lagama maarmaan tahay in Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in shirka dib u eegista dastuurka uu ka dhaco magaalada Garowe, bisha May ee nagu soo aaddan.

Waxaa isna kulanka sharaxaad ku saabsan barnaamijka siyaasadda amniga qaranka ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirka waxaa iyana hadalo ka jeediyay, isla markaana muujiyey taageero ku aaddan geeddi socodka hannaanka siyaasadda ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Jubbaland (Axmed Maxamed Islaam), Galmudug (Cabdikariim Xuseen Guuleed), Koonfuur Galbeed (Shariif Xasan Sheekh Aadan), iyo iyo Puntland, (Cabdiweli Maxamed Gaas).

2 3 4 5 6 7 unnamed

Previous Post

Sanadguuradii 5-aad ee SNTV oo si weyn looga xusay London “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka caafimaadka oo qalab caafimaad ka guddoontay Ururka Soomaalida Finland

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool “SAWIRRO”

Wasiirka caafimaadka oo qalab caafimaad ka guddoontay Ururka Soomaalida Finland

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In