Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay ilaalinta hantida maalgashadayaasha Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay ilaalinta hantida maalgashadayaasha Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani oo ay soo qaban qaabiyeen xafiiska R/wasaaraha iyo wasaradda Caddaaladda isla markaana uu gacan ka geysatay bangiga aduunka ayaa waxaa looga hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan sidii qaanuunka caalamiga ah loo waafajin lahaa dhexdhaxaadinta iyo xallinta qilaafaadyada soo cusbanada ee soo kala dhexgala dowladda iyo ha’
addaha maalgashiga ku sameynayo Soomaaliya iyadoo aan la aadin hay’adaha sharciga.

Shirkani ka furmay magalada Nairobi oo socon doono muddo labo maalmood ah laguna soo gaba gabeyn doono magalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada, wasiir ku xigeenka Caddaaladda
iyo  Dastuurka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka, Qareenno iyo safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya  Kenya iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka .

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Intii uu socday kulanka ayaa xubnihii goobta ka hadlay waxa ay dhiiri galiyeen in Soomaaliya ay ku biirto dalalka si sharciyeysan u ilaaiya hantida  maalgashadayaasha  isla markaana qaab sharci ah lagu xalliyo qilaafaadyada lana waafajiyo qawaaniinta caalamiga ah ee dhexdhaxaadinta.

Xeer ilaaliyaha Qaranka  Axmed  Cali  Daahir  ayaa markii uu soo gaba gaboobay shirka waxa uu ka warbixiyay ujeedka kulanka iyo muhimadda uu u leeyahay Soomaaliya.

“Arinta laga hadlayo waxa ay ku saabsantahay dhexdhaxaadinta iyadoo aa la aadin hay’adihii sharciga in lagu xaliyo qilaafka qaab dhex dhaxaadin ah ama qaab heshiis horay loosii galay,wuxuuna muhiim u yahay maadama wadanka uu hadda dib usoo noqonayo dowladnimadiisa iyo ganacsigiisa dib usoo noqonayo caalamkana uu rabo inuu maalgashi ku sameeyo,waxa soo dhana waxay u baahanyihiin shuruuc iyo qawaaniin lagu hago” ayuu yir Xeel Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukumadda F. S. Soomaaliya Mudane Guuleed Xuseen Cabdulqadir Qaasim oo isna ka warbixiyay shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkani uu dhiirigelinayo maalmashiga
Soomaliya iyo ilaalinta hantida maalgashadayaasha.

“ula jeedadku waa labo, inaan dhiiri gelino maalgashigii iyo horumarkii dalka iyo dadka maalgashiga ku sameynayo in dhaqaalahoodii nidaam lagu raadiyo si loogu dhiiri geliyo hantidiina sharci iyo nidam ayaa ilaalinayo waa labo arimood oo is leh loona baahan yahay,waxana rajeynaynaa shirkani inay noo noqoto wadahadalkeenii 1 aad,si aan xeerkii dhaqanka ahaa inaan nidam sharci ah ka dhigno,oo ku waafaqni idaamka caalamiga ag ee Aduunka” ayuu yiri wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah lagu soo gaba gabeyo Magalada Muqdisho.

IMG_7223 IMG_7216 IMG_7209 IMG_7206 IMG_7182 IMG_7168 IMG_7167 IMG_7155 IMG_7148 IMG_7143 IMG_7135 IMG_7134

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ “Sawirro”

Next Post

Shirka madasha wadatashiga Qaran oo lagu wado in lagu soo gabo gabeeyo Muqdisho

Next Post
Daawo sawirrada madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

Shirka madasha wadatashiga Qaran oo lagu wado in lagu soo gabo gabeeyo Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In