Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasrka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayi (Maareeye) ayaa maanta Muqdisho kulan la yeeshay H.E. Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen dhaqangelinta Istraatejiyada warbaahinta dalka, xeerka saxaafada iyo horumarinta warbaahinta dalka oo ay ugu horreyso sare u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo waayo aragnimada suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwa ka howlgala warbaahinta qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa u mahadceliyey Safiirka Sweden sida hagar la’aanta ah ee Dowlada Sweden ay u taageerto dowladda Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa codsaday in Sweden ay sii labo jibaarto dadaalkooda oo ay ka taageerto Wasaarada Warfaafinta dhaqangelinta Istraatejiyada Warbaahinta Dalka, Xeerka Saxaafada iyo horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo gaar ahaan sidii weriyeyaasha ay u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda.

Related posts

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026

H.E. Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ayaa u mahadceliyey Wasiir Maareeye iyo dadaalkiisa ku aadan horumarinta warbaahinta, sheegeyna in Istraatejiyada Warbaahinta Soomaaliya ay muhiim u tahay sidii warbaahinta dalka loo horumarin lahaa, isla markaana uga mahadceliyey Wasaarada Warfaafinta dadaalka ay ku gaarsiisay wadatashiyada gobollada dalka oo dhan. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Saxaafada loo baahanyahay in suxufiyiinta wacyigelin buuxda looga sameeyo si ay u sahlanaato dhaqangelintiisa.

Previous Post

​Wefdi dowlada hoose ee Istanbul oo soo gaaray Muqdisho-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Next Post
Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ololihiisa doorashada ka sameeyay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay ka...

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026: Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In