Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasrka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayi (Maareeye) ayaa maanta Muqdisho kulan la yeeshay H.E. Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen dhaqangelinta Istraatejiyada warbaahinta dalka, xeerka saxaafada iyo horumarinta warbaahinta dalka oo ay ugu horreyso sare u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo waayo aragnimada suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwa ka howlgala warbaahinta qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa u mahadceliyey Safiirka Sweden sida hagar la’aanta ah ee Dowlada Sweden ay u taageerto dowladda Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa codsaday in Sweden ay sii labo jibaarto dadaalkooda oo ay ka taageerto Wasaarada Warfaafinta dhaqangelinta Istraatejiyada Warbaahinta Dalka, Xeerka Saxaafada iyo horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo gaar ahaan sidii weriyeyaasha ay u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025

H.E. Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ayaa u mahadceliyey Wasiir Maareeye iyo dadaalkiisa ku aadan horumarinta warbaahinta, sheegeyna in Istraatejiyada Warbaahinta Soomaaliya ay muhiim u tahay sidii warbaahinta dalka loo horumarin lahaa, isla markaana uga mahadceliyey Wasaarada Warfaafinta dadaalka ay ku gaarsiisay wadatashiyada gobollada dalka oo dhan. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Saxaafada loo baahanyahay in suxufiyiinta wacyigelin buuxda looga sameeyo si ay u sahlanaato dhaqangelintiisa.

Previous Post

​Wefdi dowlada hoose ee Istanbul oo soo gaaray Muqdisho-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Next Post
Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In