Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka benaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudane Maxamed Axmed Yabooh ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Degmooyinka Dharkenley, Wadajir , Dayniile, iyo Kaxda, kaas oo kusaabnaa dariseenta iyo dar dar galinta Amniga, waxa uuna kulankaasi ka dhacay Xarunta Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho,
Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Muqtaar Axmed Dhaga-cadde ayaa kula dar daarmay mas’uuliyiinta, waaxaha iyo laamaha ee Degmooyinka Gobalka Banaadir in ay noqdaan kuwa xariira oo bulshada Degmada ku wacyi geliya ka qeyb qaadashada Diriseenta,
Guddoomiyaha Degmada Dharkenley Cumar Meyre Macow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in horumarkaste oo lagaaro ay tusaale u tahay Nabadda si nabad loo helano loo baahan yahay in bulshada ay garab siiyaan ciidamada amniga iyo maamulka degmada.
“Haddii aan nabad la helin, waxaa meesha ka baxeysa horumarka la doonayo marka aad dib u fiiriso dhibaatoyinka la soo maray, waxaad ogaaneysa in nabad galyada ay tahay aas aaska horumarka”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharkeyleey.
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Gudoomiye Kuxigeenka siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa tilmaamay in barnaamijka diriseenta uu yahay waddada lagu doonayo in lagu helo nabad-galyo iyo horumar.
“Mas’uul kaste oo degma ka howl gala, waa in uu il gaar ah ku hayaa dhaq dhaqaaqa degmada, waa in uu sidoo kale xiriir la yeesho degmooyinka dariska la’ah, si wadajir ah ay u wada shaqeeyaan, mas’uuliyinta degmooyinka, waaxaha iyo laamaha waa in muddo kooban lagu soo gaba gabeeyo diriseenta”ayuu yiri Mudane Maxamed Axmed.
Dhanka kale kusimaha Guddoomiyaha Gobalka ayaa kormeeray wada dib loo dayactiray oo ku taala Degmada Dharkeenley kaas oo loogu gol lee yahay in lagu horumariyo isku socodka gaadidka iyo dadweynaha ee Degmadaasi.