Dadkaan oo tiradooda ay gaaraysa 180 ruux ayaa doonayay inay ka tahriibaan xeebaha Wadanka Masar, ayagoo ku sii jeeday Wadamada Yurub, waxaana ciidamada amniga ee dalka Masar ay ka soo qabteen xeebaha dalkaasi, xilli ay ku guda jireen howlo tahriib ah.
Dadka la soo qabtay ayaa waxaa ay isgu jiraan Soomaali, Eretria iyo Sudan
Cumar Suufi Cabdullahi oo ka mid ah dadka ku xiran xabsiga Buxayra ee Wadanka Masar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay ku xiranyihiin xabsi 20 km u jirta magaalada Alexandria ee dalka Masar, isla markaana la soo qabtay 20-ka bisha 3aad ee sanadkan.
“Dad badan ayaan ku nahay xabsiga, waxaana nagala soo qabtay meel ka mid xeebaha dalka, xilli aan sugeynay in nala saaro doon, runtii dadka intooda badan waa la sii daayay, gaar ahaan kuwii heystay sharciga qaxootinimo ee UN-ka” ayuu yiri Cumar Suufi.
Cumar ayaa xusay in 101 qof oo ka mid ah dadkii laga sii daayay xabsiga ay 70 ka mid ah ku dhinteen badda oo ay ka mid ahaayeen tahriibayaashii dhawaan doonta kula qalibmatay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar.
Cumar Suufi oo ka mid ah dadka iminka ku haray xabsiga ayaa dowladda ka codsaday in laga sii daayo xabsiga, maadaama ay ku heyso dhibaatooyin badan oo xagga nolosho ah.