Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHCR oo gaadiid boolis ku wareejisay booliska kenya ee ilaaliya xeryaha qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda UNHCR oo sheegtay in qaxooti Soomaali ah ay dib ugu noqdeen dalkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska  Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan UHNCR ee magaalada Nairobi ayaa gaadiid loogu tala galay in lagu ilaaliyo ammaanka Xeryaha Qaxootiga ku wareejiyay Booliska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Guddiga Qaxootiga UNHCR ee Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqay booliska Kenya 10 Gaadiid oo ah nooca Booliska, si arrintaasi ay uga caawiso ilaalinta ammaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo xuduuda gobolka Waqooyi bari.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Wakiilka UNHCR u qaabilsan Waddanka Kenya Raouf Mazou  ayaa sheegay in gaadiidkaan loogu talay Saraakiisha ammniga, si ay ugu sahlanaato inay suggaan ammaanka gudaha iyo hareeraha Xeryaha qaxootiga.

“Mas’uuliyadeenu waxa ay tahay in aan bixino taageerada lagama maarmaanka ee loo baahan yahay, si sare loogu qaado nabadda Qaxootiga” ayuu yiri Raouf Mazou xilli uu gaadiid ciidan ku wareejinayay madaxa ammniga gobolka Waqooyi bari Maxamed Saalax.

Sidoo kale gaadiidkaan Booliska, waxaa loo adeegsan doonaa, fududeynta iyo galbinta gargaarka beni’aadanimo iyo howllaha kale ee sharci fulinta, marka loo baahdo.

Isku dubaridaha dhinaca ammniga ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Maxamed Saalax ayaa dhankiisa sheegay in gaadiidkaan ay uga faa’ideysanayaan ammaanka gobolka oo uu xusay in uu soo hagaagayay 10 bilood ee lasoo dhaafay.

“Gaadiidkaan waxaan sidoo kale u isticmaali doonaa ka hortaga dambiyada ka dhaca gudaha Xeryaha iyo in aan yareeno cabsida ay dareemayaan Bulshada” ayuu yiri.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro dhiig badan uu ku daatay ka fuliyay gobolka Waqooyi bari oo uu ka mid yahay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 Qof, waxaana tan iyo markaasi socday dadaallo lagu adkeynayo ammniga gobolka.

Previous Post

Tartanki ciyaaraha ardayda dugsiyada Jeneraal Daa’uud oo la soo gebagebeeyay “Sawirro+Video”

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamaanka hortagaya

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Doha Qadar halkaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamaanka hortagaya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In