Guddi howleed barlamaanka ugu xilsaaran curinta mashruuc sharci oo lagu jihaynaya hananka doorasho ee dalka ayaa manta kulan ku yeeshay xaruunta Villa Hargaysa ee magalaadda Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen samaynta sharciga lagu toosinayo doorashooyinaka la filayo in ay dalka ka dhacan sanadkaani.
Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda fereaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh, Cismaan “Jawaari” iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Barlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ahna guddoomiyaha guddiga ayaa kulanka goob joog ka ahaa.
Xubnaha guddiga oo ka kooban 21 xubnood ayaa si wayn uga dooday qodabadda ku ku jira qorsha xukumadda ay usoo gudbisay barlamaanka ee la xariira si loo waafajiyo mashruuca sharci ee lagu jihaynayo doorashooyinka la filayo in ay dalka dhacan sanadkaan 20016ka
Dodda guddiga ayaa waxaa ka sooo baxay in hadii Alle idmo uu shirkaani sii socdo ilaa bari isla markaana uu ka soo qayb galo Ra’iisaraha xukumadda Mudane Cumar Cabdirashid si looga talogaliyo samaynta sharciga doorashadda dadban ee lagu guda jiro samayntiisa si su’allo looga waydiiyo qaar ka mid ah qodabadda ku jira qorshaha xukumadda ee doorashooyinka , sida uu warbaahinta qaranka u sheegay habdhowraha barlamaanka Maxamed Cumar Codka
30-ka bishii May ayey ahayd markii Ra’iislawasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Cuamr Cabdirashiid uu barlamanaka u gudbiyey qorshaha xukumadda ee doorashooyinka la rajaynayo in ay dalka ka dhacaan , qorshaahaasi oo saldhig looga dhigay qobabadi ka soo baxay shirki madasha wada tashiga heerka qaran ee lagu qabtay magalooyinak Muqdisho iyo Kismaayo.