Dibad baxaan looga soo horjeeday ganacsatada magaalada Beledweyn iyo qiimo koror ku yimid qiimaha lagu sarifto lacagaha Qalad oo laga dareemaayo sare u kac balaaran.
Dadweynaha ayaa dalbanayay in maamulka Gobolka Hiiraan iyo ganacsatada in ay xakameyaan ganacsiga oo ay joojiyaan lacagaha shilinka Soomaaliga ee ay diidayaan ganacsatada .
Intaasi kaddib ayaa waxaa kulan yeeshay maamulka Gobolka Hiiraaan iyo qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Beledweyne oo isku afgartay in ganacsatada ay qiimo dhimis sameeyaan marka laga hadlayo sarifka lacagaha
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraaan Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad ka caadeystay in ay lacagaha been abuurka ah ay suuqyada soo geliyaan.
Kuma cusba Gobolka Hiiraan in mararka qaar la soo galiyo lacago been abuur ah horaantii sanadkii 2014 ayey ahed markii suuqyada Beledweyne lagu arkay lacago been abuur ah ku aad oo keenay sicir barar baahsan