Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka oo ka Dalbay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maraykanka  oo ka Dalbay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dawladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xidho xeryaha qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii qaxootiga, isla markaana ay sida degdegga ah dib ugu celinayso boqollaal kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.

War saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dawladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dawladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Waxa uu ku baaqay in dawladda Kenya sii waddo doorkeedii dheeraa ee ay ku marti galinaysay qaxootiga,Arintaasi oo ay qeexayaan qawaaniinta caalamiga ah, loogana baahan yahay Kenya in ay dhowrto shuruucda caalamiga ah oo aysan dadka qaxootiga ah qasab ku celinin.

Uu Danbayn waxaa uu kenya ugu baaqay Kenya inay sii waddo la shaqaynta hay`ada UNHCR sidii loo celin lahaa dadka iskood u laabanaya, iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee sanandkii 2013-ka ay wada gaadheen dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo dhiirigelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeygalaya caleemo saarka dhigiisa Uganda

Next Post

Kenya oo qorsheyneysa inay xirto xerada Dhadhaab

Next Post
Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Kenya oo qorsheyneysa inay xirto xerada Dhadhaab

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In