Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 14, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Guddiga La-Dagaalanka Musuq-maasuqa, Ciidanka Dowladda oo la wareegey degaanka Mareerey, Howlgalo lagu dilay 15 Maleeshiyada Al-Shabaab ah, Dowladda Soomaaliya oo shaqo u abuureysa dhalinyarada, Ciidamada Talyaaniga ee Midowga Yurub oo gar-gaar gaarsiiyey xarumo caafimaad, Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo xilkii la wareegay, Wasaarada Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Istbitaalka Gaalkacyo, Wasaarada Maaliyada oo qalab sahlaya maamulka Maaliyada ku wareejisey hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyaad hore oo dhameystay barnaamij dhaqancelin ah.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Guddiga La-Dagaalanka Musuq-maasuqa

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii 12kii May 2016 ku anxisiyey sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-banaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya. Dood dheer iyo falanqeyn ka dib, Golaha Wasiiradu waxey ansixiyeen sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-banaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa dalka, tanoo wax weyn ka tari doonta in si deg-deg ah loo dhiso guddiga oo ku dadaali doona in la joojiyo musuq-maasuqa dalka ka jira.

Ciidanka Dowladda oo la wareegey degaanka Mareerey

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka AMISOM ayaa howalgalo balaaran oo ay ka wadeen Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxey ku guuleysteen in kooxaha Al-Shabaab laga saaro deegaanada Mareerey. Howlgaladaan ayaa waxaa barbar soda duqayn lagu garaacay fariisimo muhiim ah oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo ku yaala deegaano hoos taga degmada Afgooye. Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Mareerey sidoo kalana haatan ay kaabiga ku haayaan deegaano kale oo dhowr ah.

Howlgalo lagu dilay 15 Maleeshiyada Al-Shabaab ah

Howlgallo ay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidanka AMISOM ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Timir ee duleedka Galcad ee hoostaga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii dhanka galbeed 15km ka xiga magaalada Galcad ayaa lagu dilay 15 ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa bur-buriyay fariisin ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deeeganka Ceel Timir, waxaana guddoomiyaha deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali uu sheegay in ciidamada ay weerarka ku dileen 15 oo labo ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray, Axmed Ciid oo dhanka maaliyada u qaabilsanaa Shabaabka, Madaxa Amniyaadka Maxamed Cabdulaahi Gaafow iyo mid seddaxaad oo u qaabilsanaa miinooyinka iyo sameynta walxaha qarxa. Guddoomiyaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo shaqo u abuureysa dhalinyarada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JFS Mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa 6dii May 2016 shaaca ka qaaday in dhowaan la bilaabayo mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Afrika isla markaana shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleyda ah. Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayaasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan, kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada. Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday talaabooyinka si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoo caddeeyay in mudadii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ciidamada Talyaaniga ee Midowga Yurub oo gar-gaar gaarsiiyey xarumo caafimaad

Munaabad ay Ciidamada Talyaaniga oo qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka xooggga dalka waxaa ay deeq isugu jirta qalab caafimaad, Buskut, cabitaan iyo kabo kala gaarsiiyey Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere iyo Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheere, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey Xiriiryaha barnaamijka deeqaha ciidamada Talyaaniga Kabtan Mooge. Madaxa Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere Ruqiyo Maxamuud Afrax ayaa ka mahad celisey deeqda la soo gaarsiiyay, iyadoo tlmaamtay inay ku soo beegantay xilli ay u baahnaayeen. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaantay in ay tahay kaalmadaan mid wax ku ool u ah bulshada Boondhere waxna u tari doonto. Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa xustay in uu soo noqonayo xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya, taasi oo tusaale u ah wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed. Cornel Bernado oo ah Madaxa Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysey oo ay deeq soo gaarsiiyaan degmada Boondheere, waxaana uu intaa raaciyay inay sii joogteynayaan wax u qabshada hooyada iyo dhallaanka. Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasin Cabdulle Xasan ayaa xusay in xarunta ay dhistay dowladda Talyaaniga, markastana ay la garab taaganyihiin wax u qabashada bulshada, waxaana uu ka mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen. Sidoo kale xarunta Agoonta Gabdhaha ee Degmada Boondheere ayaa iyana la gaarsiiyey Buskut, kabo iyo Cabitaano kale, iyadoo maamulaha Xaruntaasi Nuurta Maxamed Cadow ay ka mhad celisey Deeqda la soo gaarsiiyay oo ay sheegtay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo dowladda Talyaaniga ay caawimaad u fidiyaan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo xilkii la wareegay

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa 10kii May 2016 waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar carte, Guddoomiyihi hore ee Maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, saraakiil ciidan iyo marti sharfaf kale. Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo munaasabadda xil wareejinta ah. Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) ayaa sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah. Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ee dhanka garsooka u soo celin lahaayeen, ayna kor u qaadayaan tayada howlwadeenada garsoorka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro, loona baahanyahay in la horumariyo Arrimaha Cadaaladda.

Wasaarada Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Istbitaalka Gaalkacyo

Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii May 2016 waxey deeq daawo ah ku wareejisay maamulka Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo. Dr. Cali Daahir Mire Cilmi oo ah Agaasimaha qeybta Daweeynta iyo Qalabeynta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo sharaxaad ka bixiyay daawadan iyo qeybaha ay ka kooban tahay ayaa sheegay inay ku wareejiyeen deeq Daawo ah Isbitaalka Gaalkacyo. Daawadan oo ka kooban 18 kartoon oo ah daawada malaariyada ayaa loogu talo galaya in la gaarsiiyo Gurceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balanbal iyo Cadaado. Agaasimaha Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo Dr Maxamed Cabdi Axmed ayaa isna ka mahad celiyay daawadaan la soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in ay kusoo aadday xilli aad loogu baahnaa.

Wasaarada Maaliyada oo qalab sahlaya maamulka Maaliyada ku wareejisey hay’adaha Dowladda Federaalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa 8dii May 2016 ku wareejiyey qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro iyo Footokoobiyo hay’adaha dowladda. Qalabkan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qalbkaan ay wasaaradu ugu tala gashay in la balaariyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee hay’aduhu ka soo dalbanayaan Wasaarada Maaliyadda. Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulana socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda si toos ah. Qalabkan wuxuu sidoo kale suurta galinayaa in si fudud loo diyaariyo warbixinada maaliyadda, hadii ay ahaan lahayd mid maalinle ah, Usbuucle, Bile, ama Sadex biloodle. Islamarkaasna wuxuu fududaynayaa raad raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista.

Maleeshiyaad hore oo dhameystay barnaamij dhaqancelin ah

wax-1Maleeshiyaad horay uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa ka Qalin-jabiyay xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ee Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya, kadib markii ay dhameysteen barnaamij dhaqan-celin ah oo aad u adag. Dhallinyarada dhaqancelinta loo sammeeyay ayaa isugu jira 20 Rag ah iyo 19 Haween ah, kuwaas oo inta ay Xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ku jireen qaatay Tababarro Farsamada gacanta ah iyo Tallooyin la xiriira Cilmu-nafsiga, kaasoo lugu fuliyay Maal-gelin ka timid Dowladda Jarmalka. Sanduuqa Hawl-galka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Somalia, UNSOM ayaa gacan ka geystay taabo-galinta hoy-nabdoon oo loogu talo-galay in lagu dhaqan-celiyo Haweenka horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga Hir-geliyey Baydhaba. Labadan Mashruuc, waxaa fuliyay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Middan waa munaasabadii labaad ee ay ku qalin-jabiyaan Maleeshiyaad Al-Shabaab horay uga tirsanaa tan iyo markii xaruntan laga hir-galiyay Degmada Baydhaba.

Previous Post

Ciidamada Xooga Dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal

Next Post

Daawo Sawirrada: Agaasimaha SONNA oo lagu soo dhaweeyey Stockholm

Next Post
Daawo Sawirrada: Agaasimaha SONNA oo lagu soo dhaweeyey Stockholm

Daawo Sawirrada: Agaasimaha SONNA oo lagu soo dhaweeyey Stockholm

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In