Shirkan oo socon doono Muddo 3 maali ah ayaa waxaa ka soo qiibgaley Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha dawlad gobaleedyada iyo Wasaarada Beeraha ee Dawlada Soomaaliya qaarkamid ah agaasimiyaasha wasaaradahaasi iyo wakiilka qaramida midoobe uqaabilsan Soomaaliya Cunada iyo Beeraha FOA
Shirkan oo magaalada Baydhabo ay kumartigalisay wasaarada beeraha iyo waraabka ee Kg ayaa mudada uu socodo wasaarad walba ay kusoobandhigidoonta Waxaqabadkeeda Mudadi ay jirtay iyo waliba Aqabadaha haysta . iyadoona gabagabada Shirka lagasoosaaridoono Qorshiyaal ay kuwada shaqeeyaan Wasaaradaha beeraha maamulada tan dawlada dhaxe iyo Waliba hay adda FOA
Kulanka Maanta oo uu Shirgudoominaayey Wasiirka Wasaarada Beeraha Dawlada Soomaaliya axamed Xasan Gabooe Ugaas bile ayaa waxaa intiisa badan uu ahaa mid ay iskubaranayeen Wasiirada, agaasimiyaasha iyo waliba Madaxda ka socotay hay adda FOA
Cabdulaahi Cali Watiin Duqa degmada Baydhabo ayaa sheegay in aad uga faraxsinyahay in Degmadiisa ay martagaliso Shirkan Xeerka Caalami ah
Richard trenchard oo ah wakiilka Qaramida midoobey Uqaabilsan Cunada iyo beeraha oo isna lahadley Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa shirka kutilmaamey mid Gabababasiida ay kasoobixidoonaan Tatiijooyin Wanaagsan
Wasiirka Wasaarada Beeraha Iyo Waraabka KG soomaaliya Munane Maxamed Xasan Fiqi ayaa Dhankiisa sheegay In aytahay Guul usoohoyatay Wasaaradiisa In ay martagaliso Shirkan
Farxad weyn ayeey ii tahay in manta Wasaaradeyda ay martigaliso Shirkan caalamiga ah oo ay kasooqiibgaleen Dhamaan Wasaaradaha Beeraha Maamulada tan Dawlada Dhaxe iyo waliba madahada Hay adda FOA