Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Midowga Afrika oo cambeereeyay weerarkii Hotel Ambassador

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Midowga Afrika oo cambeereeyay weerarkii Hotel Ambassador
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira ayaa cambeereeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador  kaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yeraan 10 ruux oo ay ku jiraan labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ambassador Francisco Madeira  oo ah wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah waxaa ay muujinaysaa sida Al-shabaab aan wax qiimo ah aan ugu heyn ilaalinta nafta dadka  isla markaana falalka ay sameeyaan ay yihiin kuwo fuleynimo ah.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

“ Dadka Sooomaaliyeed waxaa ay doorteen wadada nabadda  si ay u gaaraan dhismaha qaran xasiloon oo barwaaqo ah waqtiga hadda la joogo iyo dhismaha jiilasha soo socoda mana joojineyso ahmigaas falalka fuleynimada ah oo ay wadaan argagaxisada ,” ayuu yiri  Ambassador Madeira.

Waxaa uu tacsi u direy qoysaskii dadka geeriyooday isagoo kuwo dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah . waxaana uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in si dhow ula sahqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga wadanka.

 

Previous Post

Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha NISA oo gaaray Hotel Ambassador

Next Post

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Next Post
Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In