Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo weerarkii xalay ku tilmaamay mid waxashnimo ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay ay ku dhinteen Xildhibaanno iyo shacab goobta ka agdhawaa, isagoo tilmaamay in  shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii xalay ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Related posts

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. sidoo kale Cabdixamiid Sheekh C/qaadir oo uu uga tacsiyadeynayo Walaalkii Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka mid ahaa dadkii weerarka ku dhintay, Waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday ee ay geysteen argagixisada Al-Shabaab’’, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixisada ay xalay ka fuliyeen caasimadda, isagoo Alle uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacanteyna uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Next Post

Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

Next Post
Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In