Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo weerarkii xalay ku tilmaamay mid waxashnimo ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay ay ku dhinteen Xildhibaanno iyo shacab goobta ka agdhawaa, isagoo tilmaamay in  shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii xalay ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. sidoo kale Cabdixamiid Sheekh C/qaadir oo uu uga tacsiyadeynayo Walaalkii Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka mid ahaa dadkii weerarka ku dhintay, Waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday ee ay geysteen argagixisada Al-Shabaab’’, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixisada ay xalay ka fuliyeen caasimadda, isagoo Alle uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacanteyna uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Next Post

Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

Next Post
Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

Danjire Jamal Barrow oo Tacsi u diray Xildhibaanadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii xalay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In