Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shirka golaha caalamiga ah ee ka hortagga khatarta baddaha Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shirka golaha caalamiga ah ee ka hortagga khatarta baddaha Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi balaadhan uu hoggaminayo, Ra’isal wasaare kuxigeenka Dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa ka qayb-galay, kalfadhigii 19aad ee Gollaha caalamiga ee Bahwaynta ka hortaga Khatarta Baddaha Soomaliyeed (The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia – CGPSC), oo lagu soo gabagabeeyay, Dalka Seycheles. Wafdiga waxaa dawlada Seycheles, u soo dhawaysay, si walaaltinimo oo ay gacal-tooyo taariikheed kujirto.

Ra’isalwasaare kuxigeenka oo kamid ah, hoggamiyayaasha furay shirkan, oo ay ka soo qaybgaleen, dhamaan dalalka ku bahoobay Kooxda…..Badwaynta India, ayaa, waxaa ka mid ah, dalalka Ingriiska, Maraykanka, China, japan, Russia, France, Germany, Italy, Qaramada Midoobay, Middowga Yurub iyo dalalka badwaynta Hindya la wadaaga Soomaliya.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Muddane Maxamad Cumar Carte Qaalib, oo hoggaminaya, wafdi heer federal ah, khubarada Amniga Qaranka iyo dawlad goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa wuxuu qudbadiisa ku soo bandhigay, aragtida shacbiga Soomaliyeed iyo Xaalada maanta ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, iyo waliba baahidda wayn ee loo qabo, in Dawlada Soomaliyeed cod ku yeelato, arrimaha lagaga hadlayo, dalkeeda iyo danteeda, si loo ilaaliyo, jiritaanka qaranimada Soomaliyeed, gargaarka caalamkuna u gaadho si toosa shacbiga Soomaliyeed.

Wuxuu Ra’isalwasaaruhu sawir ka bixiyay, sababaha saldhiga u ahaa, Budhcad badeedka, oo ay kamid yihiin, kaluumaysiga sharcidarida ah, qashin qubka walxaha mamnuuca ah ee badaheena iyo isticmaalka sharcidarida ah ee loo isticmaalo marinka tahriibka caalamiga iyo ku ganacsiga hubka sharcidarida ah.

Si taasi looga hortago, wuxuu Raisal wasaare kuxigeenku caalamka u soo jeediyay, in dawlada Federalka Soomaliyeed lagu taageero, qorshaheeda cusub ee ah, sidii ay hormoodka uga noqon lahayd, cod dheerna ay ku yeelan lahayd, heer caalamiya, arrimaha lagu gorfaynayo amniga iyo badbaadinta xeebaha badwaynta india iyo waliba in la xoojiyo, mashaariic kor loogu qaadayo nolol-maalmeedka shacbiga degan xeebaha badaha Soomaliyeed.

Waxaa kale, oo Ra’isalwasaare kuxigeenku, ku nuuxnuuxsaday, baahida loo qabo, in caalamku taageeraan kaluumysatada Soomaliyeed ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, Min Lawyacado ee Ilaa Raas-kaanbooni, loona sameeyo qorshe kor loo qaadayo qaabka caluumaysiga casriga iyo xirfadahooda, si loo damiyo ama loo joojiyo, sababihii dhaliyay, budhcad badeednimada, haatan gabaabsiga ah.
Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, taliyayaasha Maaakiibta ilaaliya Xeebaha iyo badaha Soomaliyeed, oo uu ka mid yahay, Taliyaha Ciidamada iskudhafka Bada, CDR John Thompson (Chief of Staff, Combined Maritime Forces).

Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, casuumad gaarana ka kala helay, Madawayne ku xigeenka Dalka Seychles, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo ay isku afgarteen, iskaashiga labada shacbi, si loo gaadho hadafka horrumarinta iyo amniga Shacbiga Soomaliyeed.

Shirkan oo socday Afar maalmood, ayaa warmurtiyeedkiisii, lagu aqbalay gunaandkiisii, dhamaan codsigii dawlada Federalka Soomaliyeed, qorshaha dawlada federalka Soomaliyeed, oo ay weheliyeen, dhamaan xubno ka kala socday, maamul goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed.

• Si loo hirgaliyo, himmilada iyo hadafka , hawlgalka guddiga iskudhafka ah ee badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed (MsCC), oo dhawaan ay ansixiyeen, Gollaha Wasiirada ee Dawlada Federalka Soomaliyeed., si gacanta loogu qabto, badbaadinta amniga xeebaha badaheena iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badaheena.

• Waxaa Ra’isal wasaare ku xigeenka dawlada Federalka Soomaliya, Maxamada Cumar carte, ku guulaystay, markii ugu horeysay, kulankii uu la qaatay, kaaliyaha koowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobay, oo shirka Sanduuqa Hoggaminayay, in Xubnaha qaramada middobay, isku raacaan, xubinimada Dawladda Federalka Soomaliya (FGS), ee Sanduuqa Caalamiga ah ee ka hortaga sababaha dhaliyay budhcad badeedka iyo kaalmaynta bulshada degan xeebaha Badaha Soomaliyeed ee ay saamaysay aafada budhcad-badeedku.

• Waxaa laysku raacay, in Hoggaminta badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed, lagu taageero, si toosa, dawlada Federalka Soomaliyeed, oo leh qorshayaal saldhigiisu yahay, u adeega Bulshada Soomaliyeed, Ilaalinta Khayraadkeeda iyo iskaashiga tooska ah ee ay la yeelanayso dalalka ka taageraya badbaadinta, horrumarinta iyo Ilaalinta Xeebaha, Dekadaha iyo badaheeda.

sawirka-1aad-1 sawirka-2aad sawirka-3aad sawirka-4aad

Previous Post

Shir looga hadlayay hindishe sharciyeed mabaadii’da jinsiga oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Madaxweynaha Kenya iyo Phillip Hammond oo ka shiray xal u helidda ammaanka Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Kenya iyo Phillip Hammond oo ka shiray xal u helidda ammaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya iyo Phillip Hammond oo ka shiray xal u helidda ammaanka Soomaaliya

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In