Wafdi balaadhan uu hoggaminayo, Raโisal wasaare kuxigeenka Dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa ka qayb-galay, kalfadhigii 19aad ee Gollaha caalamiga ee Bahwaynta ka hortaga Khatarta Baddaha Soomaliyeed (The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia โ CGPSC), oo lagu soo gabagabeeyay, Dalka Seycheles. Wafdiga waxaa dawlada Seycheles, u soo dhawaysay, si walaaltinimo oo ay gacal-tooyo taariikheed kujirto.
Raโisalwasaare kuxigeenka oo kamid ah, hoggamiyayaasha furay shirkan, oo ay ka soo qaybgaleen, dhamaan dalalka ku bahoobay Kooxdaโฆ..Badwaynta India, ayaa, waxaa ka mid ah, dalalka Ingriiska, Maraykanka, China, japan, Russia, France, Germany, Italy, Qaramada Midoobay, Middowga Yurub iyo dalalka badwaynta Hindya la wadaaga Soomaliya.
Muddane Maxamad Cumar Carte Qaalib, oo hoggaminaya, wafdi heer federal ah, khubarada Amniga Qaranka iyo dawlad goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa wuxuu qudbadiisa ku soo bandhigay, aragtida shacbiga Soomaliyeed iyo Xaalada maanta ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, iyo waliba baahidda wayn ee loo qabo, in Dawlada Soomaliyeed cod ku yeelato, arrimaha lagaga hadlayo, dalkeeda iyo danteeda, si loo ilaaliyo, jiritaanka qaranimada Soomaliyeed, gargaarka caalamkuna u gaadho si toosa shacbiga Soomaliyeed.
Wuxuu Raโisalwasaaruhu sawir ka bixiyay, sababaha saldhiga u ahaa, Budhcad badeedka, oo ay kamid yihiin, kaluumaysiga sharcidarida ah, qashin qubka walxaha mamnuuca ah ee badaheena iyo isticmaalka sharcidarida ah ee loo isticmaalo marinka tahriibka caalamiga iyo ku ganacsiga hubka sharcidarida ah.
Si taasi looga hortago, wuxuu Raisal wasaare kuxigeenku caalamka u soo jeediyay, in dawlada Federalka Soomaliyeed lagu taageero, qorshaheeda cusub ee ah, sidii ay hormoodka uga noqon lahayd, cod dheerna ay ku yeelan lahayd, heer caalamiya, arrimaha lagu gorfaynayo amniga iyo badbaadinta xeebaha badwaynta india iyo waliba in la xoojiyo, mashaariic kor loogu qaadayo nolol-maalmeedka shacbiga degan xeebaha badaha Soomaliyeed.
Waxaa kale, oo Raโisalwasaare kuxigeenku, ku nuuxnuuxsaday, baahida loo qabo, in caalamku taageeraan kaluumysatada Soomaliyeed ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, Min Lawyacado ee Ilaa Raas-kaanbooni, loona sameeyo qorshe kor loo qaadayo qaabka caluumaysiga casriga iyo xirfadahooda, si loo damiyo ama loo joojiyo, sababihii dhaliyay, budhcad badeednimada, haatan gabaabsiga ah.
Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, taliyayaasha Maaakiibta ilaaliya Xeebaha iyo badaha Soomaliyeed, oo uu ka mid yahay, Taliyaha Ciidamada iskudhafka Bada, CDR John Thompson (Chief of Staff, Combined Maritime Forces).
Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, casuumad gaarana ka kala helay, Madawayne ku xigeenka Dalka Seychles, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo ay isku afgarteen, iskaashiga labada shacbi, si loo gaadho hadafka horrumarinta iyo amniga Shacbiga Soomaliyeed.
Shirkan oo socday Afar maalmood, ayaa warmurtiyeedkiisii, lagu aqbalay gunaandkiisii, dhamaan codsigii dawlada Federalka Soomaliyeed, qorshaha dawlada federalka Soomaliyeed, oo ay weheliyeen, dhamaan xubno ka kala socday, maamul goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed.
โข Si loo hirgaliyo, himmilada iyo hadafka , hawlgalka guddiga iskudhafka ah ee badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed (MsCC), oo dhawaan ay ansixiyeen, Gollaha Wasiirada ee Dawlada Federalka Soomaliyeed., si gacanta loogu qabto, badbaadinta amniga xeebaha badaheena iyo ka faaโiidaysiga khayraadka badaheena.
โข Waxaa Raโisal wasaare ku xigeenka dawlada Federalka Soomaliya, Maxamada Cumar carte, ku guulaystay, markii ugu horeysay, kulankii uu la qaatay, kaaliyaha koowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobay, oo shirka Sanduuqa Hoggaminayay, in Xubnaha qaramada middobay, isku raacaan, xubinimada Dawladda Federalka Soomaliya (FGS), ee Sanduuqa Caalamiga ah ee ka hortaga sababaha dhaliyay budhcad badeedka iyo kaalmaynta bulshada degan xeebaha Badaha Soomaliyeed ee ay saamaysay aafada budhcad-badeedku.
โข Waxaa laysku raacay, in Hoggaminta badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed, lagu taageero, si toosa, dawlada Federalka Soomaliyeed, oo leh qorshayaal saldhigiisu yahay, u adeega Bulshada Soomaliyeed, Ilaalinta Khayraadkeeda iyo iskaashiga tooska ah ee ay la yeelanayso dalalka ka taageraya badbaadinta, horrumarinta iyo Ilaalintaย Xeebaha, Dekadaha iyo badaheeda.